Aar laaga geela ah…

 

Waxaa la sheegay gabyaagii waynaa  ee Samatar Baxnaan, ayaa afadiisii kaga cadhootay geel ay la jeclayd in la siiyo dad ay afada xigto ahaayeen laakiin Samatar ra’yigeedii diiday. Samatar, isaga oo raba in uu u caqli celiyo xaaskiisa, doonayana inuu u sheego ladnaanta ay ku jirto wakhti kasta oo kulul, inuu u sabab yahay geela ay jeceshahay inay xerada ka saarto, gaar ahaana, caanihiisa ay weel kasta ka buuxsatay, aanu ahayn wax si fudud xerada looga saaro oo muuno loo bixiyo, wuxuu gabay ku yidhi:-

  • Aqallaale maantii asqiyo oonka lala lee’day
  • Ummulaha mantagay maalintii loo af dhaqiwaayay
  • Aagaan karuuraa kuu sudhnayd awrta kuu rarane
  • Intii aad dhintana dhay kalay ku iltiraayeene
  • Adhi iyo lo’ baa lagu baxshaa aana kuu timide
  • Aar laaga geela ah naftaa lagu ilaashaaye
  • Koley aabbahaa tahay nin kale looma aamino’e

Waxaan ka qoray buugga suugaanta geela ee Axmed Cali Abokor.