Q1aad sheekadii Hir-jacayl

 

Hir-jacayl waa qiso ama hummaag mala’awaal ah, oo uu maskaxdiisa ka curiyay qoraaggu, ujeedka ama danta uu kalahaana waxaa weeye sida uu u muujin lahaa dhaqamo iyo caadooyin badan oo aynu caadaysanay kuwaas oo bulshada ku ah laf iyo dhabar-jab aad ah. Waa run Aabbuhu waa  qofka ugu horreeya ee ay mas’uuliyad ka saaran tahay ubadkiisa waa halbeegga ay carruurtu ka hoga tusaalaystaan waana hoggaanka iyo hormuudka reerka.

Xaq wuxuu u leeyahay in uu ubadkiisa gaar ahaan gabdhaha uu ku bixiyo si sharaf iyo gobanimo leh, sidoo kale wuxuu xaq u leeyahay inuu ka hubiyo lammaanka ay gabadhu wadato, diintiisa, akhlaaqdiisa iyo waliba dabeecadihiisa xaq uma laha in uu u dooro dookha iyo rabitaanka gabadha.

Gabadhu waa qofka la rabo inay mustaqbal iyo reer bilawdo waa qofka ku dhaqmaysa kuna dhismaysa guriga ninka ay dooratay. Haddii loo daayo dookha iyo doonista iyo waliba damaca gabadha iyadba way taqaan ninka dhaqi kara iyo kii dumin karaba.

Qoys qurux badan wuxuu ku iman karaa heshiis laba is doortay. Waxaa igu kallifay inaan qalinka u qaato mawduucan oo ana u arko inuu yahay mawduuci u horreeyay ama baylah jirtay oo u baahnayd in laga hadlo bulshadana lagu wacyi galiyo si aynu u helno reero iyo qoysas dhisma oo dhama. war bixin inta ka ballaadhan, waxaad ugu tagi doontaa gudaha.

 Buugga Hir-jacayl.

 Si degdeg ah ayaan u soo baraarugay, waxaana maqlay sawaxan iyo buuq badan kaas oo aan u adkaysan waayay si lama filaan ah baan u soo booday anoo gacmahayga indhaha ku masaxaya waxaan dhegta u raariciyay si aan u xaqiiqsado sawaxanka iyo alalaaska baxaya.

Waxaan eegay dhankayga midig oo ay jiiftay xaaskaygu si aan bal u hubsado dareenkan bal in uu kali ii yahay iyo in ay waxaan maqlayo ila maqlayso iyadu. Se weyba hurudaa waliba si bilaa dareen ah. Waxaa ka muuqata hurdo kalsooni leh inay huruddo. Yaab!

Waxyar dabadeed, ayaan u soo dhaqaaqay, dhanka qolka gabdhahayga anoo weli doonaya inaan xaqiijiyo waxa ay dhagtaydu maqashay, waa soo socday, waxaan soo gaadhay albaabkii qolka. Gudaha ayaan si degdeg ah u galay, waxaanse arkay hablihii oo iska hurda. Acuudu Billaah!

Tolow maxaan maqlay!, oo kaalay dhawaaqa inataa le’egi muxuu ahaa, mooji!. Waagii baa baryay anoo weli la yaaban hummaagii xalay ii baxay kaasoo u muuqday mid farxad galiyay naftayda. Waxaan subaxdii u yeedhay gabdhahayga iyo xaaskeyga anoo la wadaagay falkii riyadaa ahaa se runta u ekaa ee aan xalay arkay…