Shirkii Midowga Afrika (OAU) ee lagu qabtay Xamar 1974kii ee uu Dhoodaan gabayada dhawrka ah ka tiriyey gadaashii ayuu kanna tiriyey. Markii la gunaanaday shirkaa iyada oo ayna Soomaaliya iyo Itoobiya wax heshiis ah gaadhin isku day badan dabadii ayuu Macallinku wuxuu damcay inay dawladii Soomaaliya hubayso ururadii xornimo u dirirka ahaa ee gobolka Soomaali Galbeed ka dagaalamayey iyada oo ay waliba dawladda Soomaaliya caalamka u muujinayso inaysan Itoobiya wax weerar ah ku qaadin kuna qaadi doonin. Wuxuu doonayey in Jabhaddu u madax baannaanaato wadida hawlaha xornimo doonka ah dawladuna taageerto sida siyaasiyiinta jabhadu wax u wadaan. Isagoo haddaba xukuumadda shukaansanaya, shacabka guubaabinaya qodobo culusna soo bandhigaya ayuu wuxuu yidhi:
•Ilaahii makhluuqoo dhan iyo, dunidan meegaaray
•Muslinnimo kolkuu soo dejay, ee Muxamed soo saaray(scw)
•Ee magaca aan sheeganiyo, midabka noo yeelay
•Ee uu madow nooga dhigay, amase maariinka
•Ee uu mabada’a noogu xidhay, muuminnimo khaas ah
•Wallee inuusan meeqaan xille iyo, meel xun noo dirine
•Ma maroorto suu nala damcay, ee way macaan tahaye
•Mana moogan tuu mudan yahee, mahadnaq weeyaane
•Isagaa Macbuudkii ah oon, magan galaynaaye
•Mana jiro wax kale oo maslaa, muran la’aantiiye
•Rabbigay mid weeye ee, kuwii shan u malaynaayey
•Kol haddaanay taanadii maqlayn, Muxamed noo sheegay(scw)
•Muraad kama galayno ee, sidaa ha iska moodeene
•Intaana gabaygii aan maaganaa, kaliya ma ahayne
•Maansada marxaladii labaad, waan idiin marine
•Qofkii helaya maan fiicanee, madax fayow haysa
•Run la miidhay dhagihiisa, waa inaan ku miisaaye
•Mudadii gumaysigu hantiyey, maamulkii dunida
•Margiyada dad lago soo xidhoo, wada mareegaysan
•Oo laga mulkiyey baa badnaa, waxay muhiibeene
•Soomaalidase dhiig-miiradkii, kama macaashayne
•Miskiin liita nagamaysan dhigan, oo midiidin ahe
•Mulbis dhaqankayaga maysan badin, amase maydhaane
•Mayalkaan u haynay iyo wax badan, maalin dirireede
•Muruq baan ku difaaci jiray iyo, xoog mataano ahe
•Inkastooy madaafiic wateen, mooto iyo saanad
•Falaadh baan mariidka u daray, iyo maylinkii warane
•Maarene baryaan ula tagniyo, waliba maadhiine
•Milleteri gumaysi ah kolkaan, aragno muuqiisa
•Dhaaxaay madluun iyo noqdeen, mayd la sii wado e
•Soomaalina macnaa lagu yaqaan, meel ay joogtaba e
•Oo waa hiddaha noo macaan, malab sidiisiiye
•Mar kastana ma moogaano ee, waa naga dhex muuqdaaye
•Wax ka mid ah annagu waa mamnuuc, inaan dad maagnaaye
- Waliba kii marooraan nidhaa, maandhow naga daaye
- Durba gawrac kuma miijinno, ee waw miyirinaaye
- Qoladaan maslaxadaa tusno, een maaro uga weyno
- Annagoo hadday muruq is bidi, kaga mildhaawaynin
- Murugtaye dharbaaxaan indhaha, kaga malaasnaaye