Waa subax saacaddu waxay tilmaamaysaa abbaaro 8:30 subaxnimo waxaa yeeshay telfoonkeyga gacanta kaas oo yaallay meel ka fog meesha aan fadhiyay waxaan u soo dhaqaaqay meeshii uu iga xigay telefoonku waanan gaadhay waa lambar aanan garanayn waan qabtay.
Axmed: Hello haa waa kuma?
Daahir: Waa ninkii saaxiibkaa ahaa ee joogay Norwey saw Axmed maaha.
Axmed: Haa adigu yaad ahayd?
Daahir: waa inankii suldaanku dhalay ee Daahir Suldaan Faarax.
Axmed: haa saaxiib waan ku gartay, ii waran maad soo nabad noqotay?
Daahir: Haa saaxiib, in muddo laga joogo 20 sano ismaynaan arag waxaan si dhakhso ah u rabaa inaan ku arko saaxiib.
Axmed: sxb barri anaad marti ii tahay, ii kaalay waad ii casuuman tahayee.
Waxaan isku diyaariyay qaabbilaadii saaxiibkey Daahir anigoo wada war galiyay xaaska iyo carruurtaba waxaan hawl iyo hagardaamo badan kala kulmay isku diyaarinta saaxiibkey oo aad mooddo inaan xagga haynta ku liitay aanan awoodin qaabilaad intaa le’eg se si kastoo ay ahaataba waxaan dhabarka u ritay imaatinka saaxiibkey aanan in mudda ah is arag. Waxay gaadhay wakhtigii qadada waxaa i soo wacay saaxiibkey wuxuuna ii sheegay inuu dhexda ku soo jiro uuna soo dhawyahay. Waxaan u tagay xaaskeyga Huda si aan talo iyo tusaalaba u wadaagno una wargalino in ay martidii foodda nagu soo hayso.
Waxaan isla garanay in aanu Hibo oo ah curadda reerka siino ama ku darno Daahir oo ah nin aanu saaxiibo nahay aanan ku kalsoonahay in uu yahay nin dhiqi kara inantayda Hibo maaddaama ay tahay inan aad u wanaagsan. Anagoo uga dan leh in aanu nolashan ka baxno si aan maal iyo magacba u yeelano, waxaan xal u aragnay inaanu inantayada siino ninka aanu saaxiibka nahay ee qurbaha ka yimid.
Martidii timid qado iyo qosolba wadaagnay, sidoo kale is barasho dhanka qoyska ahna galnay, markii aanu in mudda ah fadhinay ayaa waxaa soo gashay qolkii inantaydii Hibo…