Waxaynu Ku Nool Nahay Duni Ay Tiknoolajiyaduu Badashay Habkay Dadku U wada Xidhiidhaan.
Shabakadaha Bulshaduu ay Fariimaha iskugu Gudbiyaan sida Facebook, Twitter, MySpace, Linkedln, ayaa ah Kuwo isku xidhay Malaayiin Qof Oo Dunida Dacaladeeda kala Jooga.
Kuwaas oo sahlay in si Fudud Loo wadaago, Loona Ogaado waxyaabaha Dunida ka socda, Ama Ka Dhaca.
Sida inaad Fariin ka dirto Mobile-Kaaga, ama aad War-Bixin ku Qorto, Wajahada Hore ee kuu Gaarka ah, kuwaad ugu Jeceshahay Baraha Bulshada, si aad asxaabtaada ugu sheegto Xaaladaada, uguna Gudbiso, Aragtidaada, ulana wadaagto waxyaabaha aad qabanayso Noloshaada.
Baraha Bulshaduu waxay u sahleen dadka, inay taleefan u diraan ehelkooda ka fog, Taas oo lacag qiimeheedu aad u hoosayso kaga baxdo, dadkuna ay kaga raysteen shirkadihii isgaadh-siinta oo iyaguu qaadan jiray lacag qadarkeedu aad u sarayso marka la barbar dhigo Internet-ka.
Waxa Intaa Dheer, Baraha bulshaduu waxay Fududeeyeen inaad barato asxaab badan oo dunida dacaladeeda kala joogta, haday noqoto asxaabtaada asxaabtood iyo asxaab kale oo meelaha dadku iskugu yimaadaan ku kulantaan.
Maalinba maalinta ka dambaysa waxaa badanaysa tirada dadka isticmaala baraha bulshada, aad baanay u sii kordhaysa, waxaa taa ka maqnayn in ay jirto casriyeyn lagu sameynayo baraha bulshada, si dadkuu ay u isticmaalaan si fudud, ugalana kulmaan waxyaabo cusub.
Malaayiin qof ayaa hada isticmaala, waxaanay leeyihiin qolol u gaara, oo ay asxaabtooda kula wadaagaan, muuqaalo, sawiro, qoraalo, aragtiyo, iyo waxyaabahay qabanayaan noloshooda.
waxa jira dad badan oo dunida magac ku yeeshay, Baraha Bulshada, sida dad iyaguu aan caan ahayn markii hore, balse horumar ay ku sameeyeen habka ay wax u soo gudbiyaan baraha bulshada ay raali galisay dad badan, una sahashay inay ku xidhnaadaan barohooda, kumanaan kun qof oo dad ah, xiiseeyaana.
Waxa iyaguna jira boqolaal kun, oo qof oo ku xidhan bogoga baraha bulshada kuwaas oo la socda, warbixinada ay boga-gaasi soo gudbiyaan, sidoo kale waxa jira iyaguna boqolaal kale oo ku xidhan, dad caan ka ah dunida, oo la socda waxyaabaha ay dadkaas caanka ahi qabanayaan.
Hadaba nimco waliba nuqsaanbay leedahay, Inkastoo baraha bulshadu ay saameyn ku yeeshaan dhinac kasta oo nolosha dadka ah, waxaanse ka eegayna dhanka arimaha bulshada, saameynta dhalinyarta.
Soomaali ahaan; dhalinyarta soomalida ayaa ah kuwo ay saameysay dhibaatadani, waxaanay ku lumiyaan wakhti badan oo ay ku fikiri lahaayeen, waxbadana ay ku qaban lahaayeen ama ay kaga faa’idaysan lahaayeen, haday noqoto xiliyada ay shaqada ku jiraan iyo wakhtiyada waxbarashada.
kuwaas oo arimaha ku saabsan siyaasada iyo waxyaabaha ay warbaabihintu qorto yihiin, waxyaabaha ay ku dhex milmeen dhalinyartu, inta badana ay faaleeyeen, bal se waxa maqan iyagu inay buuxiyaan kaalintooda.