Marki aan in mudda ah wada fadhinay, ayaa waxaa soo gashay qolkii, inantaydii Hibo, iyaadoo rabtay in ay salaanto soona dhawayso adeerkeeda ay aabbeheed saaxiibka yihiin. Ugu dambayntii ayaa waxaa qolka ku soo hadhay aniga iyo saaxiibkey waxaan iska waraysanay waayo iyo wakhtiyo hore oo dhalinyaro, waxaana daahir ugu bishaareeyay inaan ku darayo inantayda curadeed si uu u dhaqdo. Daahir iga aqbal arrinkaas, waxaana ka codsaday, in uu in muddo ah iga sugo si aan gabadhayda uga soo dhammeeyo. Habeen baa dumay, waasana wuu baryay, waxaa sidi caadada ahayd, ay inan taydu u kallahday waxbarashadii waxa aan haddana talo kula noqday xaaskayga Hudda iyadoo wali ku adkaysanaysa in aynu inanta ninka ku darno. Markii ay soo rawaxday Hibo ayaan wacay waxaana ka idhi Aabbo Hibo qolkayga iigu kaalay marka aad qadayso.
Way ii timid bacdal rubac waxaanan isku dayay sidii aan inantayda uga dhaadhicin lahaa arrinkan anigoo anigoo si ugala xishoonaya ayaan haddana nafta ku qasbay inay hawsha shaaca ka qaaddo.
Aabbo Hibo waxaan kuugu yeedhay in aan maanta kugu hubsado guri xalaal ah, maaddaama aad tahay curaddaydii aanan rabo inaan arko ubadkaaga aabbo. Aniga oo weli hadalka sii wata ayaan haddana u raaciyay Maahmaahdii Soomaaliyeed ee odhanaysay Abbo ogow “Inani ama godkaaga jirtay ama Guri”. Inta ay Hibo boodday ayay iigu jawaabtay aabbo maxa ku helay wali waad ogtahoo waxaan wada waxbarashadii sidoo kale Aabbo waxaa jira wiil uun axdi iyo jacayl naga dhexeeyo hadii ay noqoto in aan guursadana isagaan guursan. Markay arrintii halkaa marayso ayaan is jiidhnay inantaydii Hibo anoo wali rajo ka qaba inana ku qanciyo Guurkan. Hibo way iga tagtay…