“aniga maxaad igu diideen”

Architectural planning team

Shirkad dhismaha ah ayaa u baahatay nin injineer ah, dad badan ayaa codsi u soo dirsaday. shirkadii markii ay shaandheeysay ayaa waxaa u soo haray laba nin oo sharuudihii oo dhan soo buuxiyey. Labada injineer sidii loo kala saari lahaa ayaa adkaatay maxaa yeelay labadaba waa isku qibrad, isku jaamacado ayey ka soo baxeen, shaqooyin isku mid ahna wey soo wada qabteen, kadibna shirkaddii waxey go`aan ku gaartay in ay imtixaan ka qaado. Qol ayey geeyeen waxayna hor dhigeen laba waraaqo oo min tobon suaal ku qoran tahay. Markii ay imtixaankii ka soo shaqeeyeen ayey maalintii xigtay nin ka mid ah u yeereen oo ku yiraahdeen ” waxaan go`aan ku gaarnay in aan qaadano ninka kale.
injineerkii ayaa yiri ” oo anigu maxaad igu diideen”.
Shirkaddii ayaa tiri “labadiinaba waxaad aheydeen isku qibrad, isku tacliin, imtixaankii aad gasheena min sagaal suaal ayaad saxdeen oo min hal ayaad qaladeen, waxaan qaadanay isaga.
Ninkii ayaa yiri “sidee ayaad ku qaadateen maadaama aan min hal suaal qaladnay?”.
Shirkaddii ayaa tiri “suaasha ugu danbeeyso ee aad qaladeen isagu wuxuu ku qoray (ANIGU MA AQAAN) Laakiin adigu waxaad ku qortay (XITAA ANIGU MA AQAAN

X/Somaliaction