Hiboo way iga tagtay, anigayse talo igu ciirtay: “Nin weyn oo hadal ka dhacay waa geed qolofi ka dhacday”. Wax alla wax aan yeelo talo way igu baahday. Waxaa maalintii xigtay ii yimid wiil aanan aqoon iyo garasho toona u lahayn, wuxuuna ii sheegay in uu yahay wiilka ay Hibo is jecelyihiin, magiciisana la dhaho Cumar, Hibana ay ku tiri orod oo aabbe i soo weydiiso. Waxa meesha ka dhacay: “Anoo aabbahay la yaaban ayuu aabbahayna aabbihii keenay” Waxaan tusaale u soo qaadan ruwaayadii da’da maanta iyo duruufta jirta, ee uu sameeyay, abwaan Maxamuud Cabdullaahi (Geesdiir) 1993-dii oo ay ka mid ahayd is waydaarsigan.
Cumar
Asalaamu Calaykum
Axmed
Wa calaykum asalaam
Cumar
Bacda salaan Xaaji arrin baan kuula socdaa
Axmed
Bal soo daa adeer
Cumar
Adeer danta saakak i keentay
Soo jireen hore weeyoo
Nolashaa ku salaysan
La’aan taana su’aali
Waa mid aan soconayne
Anoon guudka sabayn oo
Sarbeeb aan kugu daalin
Salka aan u dagee
Inan taada i sii
Isagu kaaya duceena
Saacaddaa ka billaw oo
Mas’uuliyadeedana
Adiga eedi kaama saarna
Anigaa isa saaray
Axmed
Adeer sabi baa tahayoo
Marinkaad seeggan tahee
Sawirkaad bixinaysiyo
Su’aashaadu waa khalad
Waayo inan layskuma siiyo
Sidan aad u hadlayso
Sahal maaha adeere
Iska raalli ahaw
Cumar
Adeer su’aal iiga jawaab
Axmed
Ka soco
Cumar
Reerka saaka aan joogno
Sal iyo baarba wada buuxa
Samays kiisa markaad
Sahankiisa dagaysay
Ma sax baad ku ahayd
Mise waad sirgaxnaydoo
Si khaldan baa loo arkaayay?
Axmed
Ma ani?
Cumar
Haa.
Axmed
Anigu waan ku saxnaa
Cumar
Haddaba sidaasaan ka dhignahee
Rajadaan sugaayo
Adigoon iga saydhin
Sahal weeye saxiixoo
Soddog ii noqo caawa
Axmed
Adeer si aan yeeli lahaaba
Safar baan ku jiraayoo
Socdaal baan ahay caawee
Iska raalli ahaw!!!
Waxaan sidaasi si la mid ah ugu jawaabay, wiilkii ay ii soo dirtay inan tayda Hibo, anoo u sheegay in ay inantaydu doonnan tahay, aanan siiyay mid la qaybsan doona nolasha inta u hadhay.
Wuxuu ku noqday Hibo, isaga oo u sheegaya waxa na dhax maray iyo jawaabta aan siiyay…