Abwaan Hadraawi: ‘RAG SIYAASI WADA NOQOY’

Maansadan waxa lagu tiriyaa tixaha ugu muhiimsan maansooyinka danbe ee Hadraawi. Waxa ay maansadu ka hadlaysaa arrin muhiim ah oo ka soo jeedda baahi i taabo leh, si muuqatana uga dhex aloosan bulshadeenna

maanta, waana ammuurta ku saabsan kaalinta ragga, gaar ahaan aabbaha ee ku waajahan waajib gudashada iyo xil-dhismeedkii qoyska iyo bulshada.

Maansadu waxa ay tilmaamaysaa in kaalintani maqan tahay oo raggii ka gaabiyey ama kaba baaqdayba! Abwaanku waxa uu sharxayaa kaalintaasi ragga ee maqan, waxanu iftiiminayaa in noloshu ay ku dhisan tahay laba tiir oo isku dhidban, isna kaaba, waana ragga iyo dumarka. Si haddaba ay noloshu u jirto, macnena u samayso waxa loo baahday in labadu (ninka iyo afadu) ay kala yeeshaan xilal iyo waajib-gudashooyin kala cayiman, kala muuqda oo kala magacaaban, kuwaasoo iyana u baahan isla qabasho, is-buuxin, is-kaabid iyo qofba tiisa oo uu ka soo dhalaalo inta uu karaankiisu gaadhi karo hagrasho la’aan.

Maxamed Ibraahim (Hadraawi) oo taas sii amba-qaadaya: ‘Kaalintaasi ragga ee maanta maqani waa hoggaamintii, horseedkii, qorshayntii, maamulkii, maarayntii, jaangooyadii, abaabulkii, sahankii, tusmadii iyo taladii’. Hadraawi ma tilmaamayo maqnaanta kaalintaas oo keliya, wuxuuse beyaaminayaa eelka iyo ibtilada ka dhashay ee maqnaantu keentay, taas oo ay ugu weyn tahay (buu yidhi) indha-beel ku yuurursada oo haleela dumarkii iyo ubadkii. Sida arrintani ay u saamaynayso qaab-dhismeedka qoyska iyo guud ahaan bulshada iyo sababta ay kaalintii raggu u maqan tahayba, waxa si wanaagsan u sii saafaya, lagana sii bogan karaa marka la sii guda galo maansandan Rag Siyaasi Wada Noqoy iyo maansada kale ee ka sii danbaysa (Anuunbaa Hooyadaa ah).

Rag Siyaasi wada Noqoy waxa ay soo baxday 14/03/1998, waxana tuduca ugu horreeyaa uu ka tibaax-bixinayaa in gabayga, maansada iyo suugaanta laga qoro, lagana soo dheegto dadka waayihiisa, noloshiisa, waxa dhibaatooyin haysta, sida looga bixi karo (xalka), halka loo jihaynayo, waxa la farayo iyo xaqiiqooyinka dadka dhex yaalla, waxa fool xumo ka dhex ilma-roganaysa, sawirka foosha xun ee ku arooraya iimaha iyo goldaloolada qofka iyo runnimadiisa faraqa u sudhan iwm. Marka gabayga la sameeyo ayaa dib loogu celiyaa halkaasi laga sameeyey oo la tusaa, lana daawadsiiyaa xaqiiqadiisii, isaga oo qofku iska dhex arkaya maansada lafteeda sida muraayadda xumo iyo samo hadba kuu ku sugan yahay. Waxa ay maansadu tidhi:

Suugaan ka-hadalkiyo

Surraddiyo murtida culus

Hadallada saddexa maran

Halka laga sameeyaa

Marba lagu salaamaa.

Duniyahay sabool-diid

Siyayaabo-badanley

Majaray ku socotaa

Xumo lagaga saahido

Subax noolba waa guul’

Lagu helo sax iyo maan,

Qofka xiga samaantay

Agihiisa sudhan tahay,

Ma oggola suldaamayn

Iyo been ku-sabashada.

Hadba sara-kaceediyo

Sababaha ka dhacayaa

Nafta lagu sar gooyaa,

Labadeeda saan-qaad

Marba kii sokeeyaa

Runta lagula seexdaa,

Dadku sogordaheediyo

Siraheeda culus buu

U su’aalo-badan yahay,

Sariddiyo rog-rogiddiyo

Marba saab ka-bixintaa

Hanku ugu sid tiriyaa,

Sugiddaa leh maahmaah

Iyo sawrac gobannimo,

Hiyigaa leh saadaal

Iyo saami lagu qado

Marba sadadu waa meel,

Sabirkaa la-qaataa

Marna qaybtu waa sarar.

Inaan suuska digashada

Iyo saaqa lahashada

Nafta seylad loo geyn

Faral iyo Sunnaa dhigay,

Marka saacu gudhan yahay

Waxa seeto laga dhigay

Dadku inay ku soomaan

Xilka sebenku leeyahay

Iyo weedh-dha saalloon,

Sacab madhanba loo hay

Sadarrada hal-hayska ah.

Qof saluuga mooyee

Hadda Cadaygu waa soor’

Sirtu waa ka-dhigashada

Marka aan si kale jirin.

Senge orod la-daba galo

Saryankuu u neceb yahay,

Codka selelka bayrtiyo

Dadna boog sac-sacanoo

Sirqo ba’an ku noqotoo

Marba suuf ku dedayuu

Sawirkeeda neceb yahay.

Rag siyaasi wada-noqoy

Wada-furey sil-siladaha,

Hadba taanu suurayn

Yidhi anigu aan saxo

Sarrif-hadal ku daal daal,

Marwo dumar ku noqoy saxal

Subkey heeganteedii

Silicana ku keli yeel

Suxullada habaaska leh,

Sabadiyo rugtiisii

Sara-joog ku laallaad

Ama jiif ku siigee,

Ninna Sey ku noqon waa

Xil sariirta keligeed,

Adna Hooyo-Saxarlaay

Surin kugu bannaanaa.

Aqallada ximraa sudhan

Sigashay ku beridaa,

Dadku solanka maantii

Sahwi buu ku joogaa,

Saqda dhexe habeenkii

Sardhaduu ku lulan yahay,

Surmi bay ku huruddaa

Ama ciil la-kala socoy

Ama cadho la-kala soof.

Dhasha saxanku hayn waa

Surbacaadka raac raac

Lagu qaad far iyo suul,

Mar Salaadda jiidh jiidh

Marna umalka seeraar

Tu sawaaban yeel yeel

Dadku segeger mood mood

Sunbo loogu yeedh yeedh,

Dulucduna ka-samirkiyo

Nin wax saaray maahee

Sinji-hirashadiisiyo

Saamaynta wadartiyo

Xogta garashadaan solin,

Sumad baanay weli hayn

Cidna lagula saayiro.

Mar hadday sirgacan tahay

Dadku saan-gab wada yahay

Sannadaha ku kala-weyn

Lixdan iyo sagaalkood

Kuma kala sarreeyaan.

Kulammada sawaxanka leh

Suti muranka yaalliyo

Salowgooda baxayaa

Suruc buu dugsanayaa,

Derejaan la-kala sidan

Kala soocda laba ruux

Haki, iyo sug baan jirin.

Dhulka suur ku yeedh yeedh

Bulsho loo sanqadha-badi

Sac sac raaca loo diid

Sakaraad la-wada noqoy.

Dhaqan lagu sarriigtiyo

Berigii Soddohaleey

Saranseer ka daba yimi,

Dadku wada sal fududaa

Sannifaadda wada-barey

Iyo saarka tumashada,

Badey Seef-la-boodkii

Sunta qoosh la-kala dhaxal.

Sahan iyo baxnaaniyo

Noloshuba sansaan ma leh

Ma dhex yaal sureerkii.

Haddaan soohdin kale jirin

Waxaan suura-geli karin

Dadku inuu si-dalagtiyo

Afka suuq ku kala-baxo.

Rabbi sama-falkiisiyo

Seko weeye garashadu

Lagu saanto xigatada,

Satiyada aqoontiyo

Noloshana sal iyo baar

Waxa loogu siman yahay

Waa siraad ka-dhigashada

Hadba tii Ku-seegtoo

Waxa laysu siiyaa

Salka lagu fadhiistiyo

Yaanu seesku dheelliyin.

Hadday saan-cad dunidii

Adoo sayn cad kugu tahay

Saymaheedu meel buu

ILaa saaka kuu yiil.

Haddaan sooryo waayeel

San-ku-neefle kuu hayn

Cid baan saaf la-dheegtiyo

Xadhig soohan Kaa hayn,

Haddii duul Ku-sahashado

Ama sebi xaq kugu luro

Sed ka maqan tirsanayaa

Soomal-haadka shidayaa

Waa saruurad haysee

Selel yaaney kugu ridin.

Xigasho. Weedhsan.com