Cumar wuxuu ku noqday Hibo isaga oo u sheegaya waxa na dhaxmaray iyo jawaabta aan siiyay, wuxuuna tusaale u soo qaatay isla ruwaayaddii, da’da maanta iyo duruufta jirta ee uu lahaa Abwaan Geesdiir waxayna ahayd sidan:
Hibo
-Cumarow sida aan u arkaayo
-Aabbahay u tagtee
-Aakhir tii uu ku siiyay
-Ii sheeg bal xabiibi
Cumar
-Hiboy aduun baan islahaa
-Intii ay odhan layd
-Wuu ku diiday Cumar
-Codsigeeda u oofiyee
-Arrinkaasi in uun
-Marna aaya lahayn
-Horaba waan u arkaayee
-U jeedadaase ahayde
-Intuu uurku buki laa
-Addinkaa la dhibaaye
-Mar haddaan odaygii
-Inta aan is hortaagay
-Inantaada i siiyoo
-Adeer iigu ducee idhi
-Eedi way iga baydhaye
-Isaguna sidaan filaayay
-Mayuu iigu jawaabay
-Taa sidaa ku ogow
-Midna waa iga dardaaran
-Adiga aan ku faraayo
-Aqbaley labadeenu
-Axdigii aynu lahayn
-Inkastoon kala raagnay
-Waan adkayn dhinacaygee
-Adiguna sidoo kale
-Hablihii Afrikaankee
-Arligii ay ku dhasheen
-Marka ay ka tagaan
-Dhawr ayaamood dabadood
-Inkiraayay qofkey
-Balan ay ka dhaxaysay
-Aqbaley tagidaadu
-Yaanay kaaga ekaane
-Jacaylkii aynu abuurnay
-Ka ilaali ilawsho
Arrintu markay isku shareertay Hibo way rajo dhigtay maadaama aan siiyay mid iyadu aanay nolasha u dooran inuu la qaybsado. Waxaan cadaadis xoog ah saaray, Hibo hadday tahay dhanka nolasha iyo dhanka qoyskaba, waxaan ku qasbay in ay guursato Daahir, oo ah aniga saaxiibkey. Hibo iyada oo dhibsanaysa uurkana ka diidan bay yeeshay Daahir arooskiisa. Waxay ku soo hal qabsatay, mid ka mid ah geeraarradii riwaayaddii Da’da maanat iyo duruufta jirta,, waxayna ahayd sidan:-
GEERAAR
Rixinadii i dhalayow
Maahmaah raagtay baa tiri
Taladaan la ruugayn
La rogrogin rag kama talin
Raadkeedu waa hawl
Rabashiyo dhibaata leh
Aabbe hay ribaynina
Hooyo haygu riixina
Reer aanan doonayn
Rasmi uma dhaqaayoo
Raarta umam galaayoo
Isnan iguma reeyee
Raran haygu tuurina
Ra’yigayga sidaan qabo
Raaxada aduunyada
Rukunkeeda koobaad
Ruuxba ruuxa uu rabo
Raalligaliya aragtida
Inuu helo ku roonaa
Haddaan roori lahaayoon
Raadco doonka jacaylka
Rugtii aan ku ogaa iyo
Raaski aan tagi laa
Rafaadkaa iyo hawsha
Waan ka raysan lahaaye
Baddan yaa iga riixa
Run haddaadan u duulayn
Ama raacin diyaarad
Rooxaan sideedana
Riyo aanan ku tagi karin
Rafiiqey halkuu jiro
Sida roon rabbaa oge
Rajo Eebbe aan sugo
Markaan maqlay aqbalaadda Hibo ayaan waxaan u farxay si niyad ah anigoo niyaystay sawir tayna in hadda uun aan u dhacay lacagtii adduunka maadaama aan inantayda u dhisay nin qurba joog ah oo aan anu weliba ku qasbay.