‘Hooyadu waa lama huraan’

Allaha u raxmee Cadhays Ciise, akhris wacan oo wanaagsan.

Hagaag waa loo socdaa

Hor waa loo sii hoydaa

Hadal waa la hindisaa

Mudaan uurka hurrudnoo

Culays bey hayn jidhoo

Talaabtey la hakatoo

Xanuun bey la hingateye

Hooyadu waa lama huraan

Habeen goor uu bartamay

Caanihii bey nagu habtoo

Horaadkeey noo dhigtoo

Dharkii bey na huwiseye

Hooyadu waa lama huraan

Calooshaadoon hif oran

Adiga oon ka haqab’bin

Hunguri ma haweeysatee

Hooyadu waa lama huraan

Habaaq goor aad tahayo

Talaabta aan la holi karin

Adoo ciidii hambaday

Dhaqsaba waa ku hinjisaye

Hooyadu waa lama huraan

Afkaa aan ku hadalniyo

Hannaankeeniyo hub qaad

Hagaag bey noo bartey

Hooyadu waa lama huraan

Innaga oon haybad qabin

Hal beesa aan suubsan karin

Habaaskeey naga huftoo

Waa tii noo hiilisaye

Hooyadu waa lama huraan

Sidaanaan halis u gelin

hungurigeey suubisaa

Dhaqsaba hoo nama dhehdee

Intii ey ka hubsataa

Iyada yaa ku hormartee

Hooyadu waa lama huraan

Reerku haduu yahay hayaan

Hayinka aan saaran nahay

Hogaankeey haysatoo

Hoosbey kaala hadashoo

Intii aad ka hurudaa

Waa kuu heestaa hadane

hooyadu waa lama huraan

Cilmiga shiikh ku hormariyo

Nin haamaan ah iyo hanad

Iyadaa soo hayn jidhee

Hooyadu waa lama huraan

Haddii loo baahdo hiil

Geesiga loo habar wacdiyo

Fuleyga aan haadka hubin

Iyadaa soo hayn jidhee

Hooyadu waa lama huraan

Deeqsi aad soo haybsatoo

Hamuuntii kaa ba’shiyo

Bakhaylka aan kula hadleyn

Iyadaa soo hayn jidhee

Hooyadu waa lama huraan

Aabuhu waa hawsha guud

Ayuna hoosbey hayaan

Habantii guriga iyo

Hooygii bee noo huftaye

Hooyadu waa lama huraan

Geed yare kaa hooshay meel

Hadii aad haah dhehdaa

Hubkii bey ka hmndadoo

Iyada oon hagar lahayn

Haaw waa tii soo dhehdee

Hooyadu waa lama huraan

Odagu waa haajiraa

Hawuu meel ugu kacaa

Haduusan mawtku helin

Hortaadey taagan tehee

Hooyadu waa lama huraan

Habeenkaad soo dhaxdaa

Hurdada aad uma heshoo

Qalbiga waa ka hamidoo

Hiloow bey kuu qabtaye

Hooyadu waa lama huraan

Horey adigoo aan ahayn

Dudkuu bey u hanjabtoo

Halyeey beey kaa dhigtoo

Amaan bey ku huwisaye

Hooyadu waa lama huraan

Abaarta hawaarsatiyo

Harraad meelloogu go’ay

Heeyhaata uu dhaanku yahay

Cirkuna haawanahayaa

Halihi ey soo heshaa

Hadeey ho’ inna dhehdaa

Innaga oon soo hambeyn

Waatii aan heensanoo

Hamuunteedii horiyo

Dhib bey la hagoogatey

Hooyadu waa lama huraan

Sidii awr haama wada

Dusheedaan halabsanoo

Hah goortaa nama dhehdee

Waa noo sii hoorsatey

Hooyadu waa lama huraan

Marada ay nagu hantiday

Haddaan hoos uga dhacnaa

Wadnihi bey ka hinqatoo

Calooshey ka halcateye

Hooyadu waa lama huraan

Alaabta horteeda taal

Haddaad laad ku hurguftaa

Habaar weyn kuma dhahdee

Inyar bey ka hifataye

Hooyadu waa lama huraan

Hiloowlaha eey dhashaa

Haddii meel laga hayaa

Asuu haaraa habeen

Waa tii hoogeysatoo

Ilmadu ey hibitiqdee

Hooyadu waa lama huraan

Haddaan been lagu hadleyn

Wadnaha harkiisa iyo

Halbowlaha dhiiga wada

Hareer baa laga dhigoo

Halkeey joogaan iyagu

Yaa loosoo wada hoydey

Hooyadu waa lama huraan

Hantida aad leedihiyo

Wixii aad haabataa

Haddii loosiiyo hibo

Abaalkood lama helee

Hooyadu waa lama huraan

Haddaadu hadey gashaa

Hog goortii lagu dhigoo

Wadaaduhu kula hadlaan

Aabaha looma halwecee

Waxaad tahay inna heblee

Hooyadu waa lama huraan

Waxaad tahay inna heblee

Hooyadu waa lama huraan

Adduunyadu waa haweeyn

Halkaa laskuma hayee

Nindoonaba ha hadlee

Hooyadu waa lama huraan

Hirar gaagaaban iyo

Hawada yaan ka hadlayaa

Waxba anigoon hambeyn

Hubaashiina aan hayaa

Hooyadu waa lama huraan

Hanfada ruuxii noqdaa

Hawraar kaama hantiyee

Waxba anigoon hambeyn

Hubaashiina aan hayaa

Hooyadu waa lama huraan