Taxanahan jacaylka ah kala soco boggan Dhugasho, wixi ku dhaafayna dib u baadh qaybaha kale, insha Allah Jimce Kariim.
Waxaa aan u yeedhay Daahir waxaanan u sheegay hawli xaggay marayso iyo sida ay wax u jiraan anigo Daahir u ku war galiyay in ay Hibo ku qanacsantahay guurkiisa ayaa waxaan Daahir ka idhi Daahiroow saaxiib arrintu waa guul waxaa aad samaysaa soo kaxayso odayadaadii si aan xeerkii Soomaalida u fulino si sharaf lehna aan kuugu dhiso inantayda Hibo.
Daahir wuu aqbalay arooskii isaga oo aad yaabtid farxadda iyo qushuucda ka muuqata wajigiisa. Dharaartii dambe ayaanu isku nimid gacal iyo xigaal ka soo wada qayb galay arooska inantayda.
Hibo iyo Daahir waxaa halkaa laysku waydiistay
Hibo.
Miherkana noogu dara iyo waan idiinku darnay, duco iyo dardaaranna waanu wadaagnay. Waxaa uu Daahir ii sheegay inay soo dhawdahay wakhtigii uu noqon lahaa isaga oo ii sheegay walibana inay hibana raacayso maadaama ay hadda tahay xaaskiisa. (Meel aan jeclaa roob igu hel). Sidii caadada ahayd, waxaan haddana isku qabanqaabinay ani iyo xaaskuba inaanu sagootino Hibo iyo saygeeda Daahir maadaamay ay dalka ka tagayaan.
Wanaag iyo wada jir badan oo aanu ani iyo inantayda Hibo isku qabanay ayaad mooddaa inuu halkeeda ka soo dhammaanayo maadaama aan u diiday in ay iyadu nolasha ka soo xulato qofka ay nolasheeda ku aamini lahayd ama u qalma.
Si kastoo ay ahaataba, waalidnimadu waa dareen gooni ah, waxaan aniga iyo Hibo isku macasalaamaynay si kalgacal iyo kalsooni leh. Waxaana ku sagootiyay odhaahdii ahayd; “Jidku taako taako, Dadku Hooyo iyo Aabbo”.
Waxaa hadda laga joogaa muddo sanad ah intii ay Hibo dalka ka tagtay, Waxaana mooddaa in Hibo go’aansatay in aanay la hadlin qof ka mid ah qoyskeeda. Aniga iyo hooyadeedba waxaa na dilay fikir iyo walwal joogto ah, annaga oo kolba wax sawiranayna weli wax rajo ah kama hayno Hibo iyo saaxiibkey Daahir mid kasta oo aan wacana waxa uu taleefoonkiisu noo sheegayay in uu dansanyahay.
Arrin baa nagu ballaadhatay, geeri iyo nolol dhan aan u qaadnana garan waynay. Waxaa maalin Jimce ah xilli ay goor sheegtu tilmaamaysay 10:35 Subaxnimo yeedhay telfoonkeyga gacanta xilli aan u diyaar garoobayay gudashada salaadda Jimce. Qabtay waaba Hibo oo OOYAYSA. Naxdin iyo farxad, hadal iyo hugun midba igama soo bixin iyada qudheeda oohin mooyee cod ma maqlayo.