8 qodob oo waano ah

 

Yuusuf Nuur Jaamac oo ay Gacmadheere Ilmaadeer ahaayeen ayaa damcay inuu Berbera markii ugu horreysay u safro. Gacmadheere oo magaalada iyo axwaasheeda uga warbixinaya ayaa gabaygan waanada ah u laqimay Yuusuf. Siddeed qodob oo waano ah ayaa gabaygu farayaa Yuusuf, wuxuuna ku bilaabay; 

Safartay ee haddaad Yuusufow, raratay saabaanka 

Salaama Alla yeelyoow haddaad, suunta mari soonto

Sanaag waa habheeba ee haddaad, Saaxil nabad gaadho

Marka hore salaan iyo Qaxwaa, lagugu sooryeyne

Marka xiga su’aal bay ku odhan, yaad la socotaaye

Habeenkaa Senteri Gaadhahoon, seexan baad noqonne 

Muunida salaaddii hadii aad, adhiga soo saarto

Subaxdaa xadhkaaluhu hadduu, Soofka kula iibsho

Saami bay isaga leeyihiin, Saalax-Weetada’e

Iyagoo wax saaray ku odhan, waanu soconayne

Adigay sed kaa ridi intay, sicirka dhaafshaane

Waa wada sagsaagiin colee yay ku sirin duulku.

Haddaad aragto toban siibane. oo suuqa ku ag taagan

Waa saaruqiinta’ee. waxaad sidato meel geyso 

Sayaxaadda dheerbaad ku tegi, geedka saarka lehe

Sidriguu Qaxwuhu kaa xidhaa, saakin haw noqonnin

Sigaaryacab ha noqon buuri bay, soor ka deyayeene

Subaglaha Kidaarka ah ha cunin, saanjadna ha quudan 

Saanbuusayaal iyo Mucbeel, siifadle ha iibsan 

Baashaha sagaalaha wataa, sababa xoolaaye

Adigaan waxbaba siisan baad, soobir noqotaaye 

Saaciidaduu kaa baxshaa sinaba haw eegin.

Sacab baad ku maqal xaafadaha, saan la tumayaaye

Waa sahan magaalo oo qarraaf, laysku sugayaaye

Sino iyo Balwaa lagu hayaa, surin ka weydaaro.

Saaxiib carmali waa wixii, saacadda ahaaye

Mar hadday halkaa seexo tadhi, way ku saa’iliye

Sariir iyo dermay kugu hoddaa, yay ku saban taasi.

Sideedaa iska raw meesha, waw saymo jaariyahe 

Waanada sokeeyuhu ku yidhi, sadar ha moogaannin 

Sufihina ha noqon wiil yarbaa, hadalku seegaaye

Waxba yay safaad kaaga tegin, saaxi adigoo ah

Hadii kale sidaa doonto yeel seegtay marinkiiye.

Xigasho/hoyga suugaanta