Q-7aad sheekada Hir-jacayl

Hadal iyo hugun midna igama soo bixin iyada qudheeda oohin mooyee cod ma maqlayo…

Mar dambe ayaan idhi hellow, Aabbe Hibo Iyada oo sii wada oohinteeda ayay i tiri Aabbe ninkii waan kala tagnay gurigiina wuu iga soo saaray hadda meel aan tago ma aqaan, cidna ma garanayo Aabbo, Aabbo, Aabbo dhulkaan gogladaa cirkana waan huwadaa. Afkaa juuqda gabay, wax alla waxaan ku jawaabo ma aqaan ugu dambayntii hadalkeeda waxaan kasii xasuustaa “Aabbo burburka nolashayda adigaa ka masuul ah”.

Waxaan isku dayay sidii aan inantayda uga keeni lahaa dalkaasi, uguna soo celin lahaa dalkeedi hooyo, waxaan galay dadaal sidii aan u badbaadin lahaa Hibo oo ah curadayda wuxuu Alle ii suurta galiyay in aan helo mid aanu qaraabo nahay oo ku noolaa dalka Noorway. Hibo waxay qaadatay kaarka dhalashada dalkaas se waxay ka door bidday, in ay dalka dib  ugu soo laabato si ay jacaylkeedii ula kulanto uguna sheegto dhibka dhacay iyo siduu ugu dhacay iyada oo weli rajo ka qabta Cumar  iyo jacaylkiisii. Ugu dambayntii Hibo waxay soo noqotay iyada oo aad mooddo in ay qaaxooti ku noolayd. Waxaan illaa hadda ka qoomameeyaa sida xun een inantayda u gumeeyay iyo sidii dhiirranaanta lahayd een ugu qasbay guurka ninkaas. 

Waxaan isla judhiiba inantayda ka codsaday cafis, maaddaama aan ahay Aabbeheed, gafkuna waa wax dhici kara anoo tusaale u soo qaadanaya. “Qadar dhacay canaan maleh qaladna waa la sixi jiray”. Aabbe daan iyo labadiisa carrab ayaa is diida. Hibo iyada oo illin iyo oohin qumaysa ayay iga ogalaatay iyada oo ka xun nolashii ay soo martay iyo dhibkii uu u gaystay ninkaasi. 

Dhibka intaa le’eg wuxuu ka yimid dookha oo aan qofka loo dayn iyo waliba ku qasbid iyo bixin inanta ah adiga oo aan hubsan halka ay nolasheedu ku dambayn doonto.

Gabaygan waa gabay anoo Cabdiraxmaan Geesdiir Maano ahi aan tiriyay kaas oo aan ugu talo galay inaan ku gudbiyo tiiraanyadayda shaqsiyeed iyo sidaan bulshada ugu dhiirrigalin lahaa sidii lamaanaha dookhooda loo tixgalin lahaa waxaana ku billaabay sidan:-

Gabayga Gabdho Boob:

-Gadgaddoonka waayaha jiree goor waliba taagan

-Giraantaa wareegtiyo dadkaa saaran guradeeda

-Geeddiga habeen iyo dharaar daba guclaynaaya

-Kolba labada soo gaadhayee laacay gadafkeeda

-Gurbaanada inii loo tumay gari ahayd waaye

-Geeddiga halkaa soo maree dhaqanku soo gaaxshay

-God-daloolo inii laga helaa waa gurracan guure

-Gabdho boob markuu hiil ka helay waalid garab siiya

-Gardarrana jacaylkii ku tiri celi go’aankaada

-Gabbal daye sidii sii anaa cawl la gadafeeyay

-Dhaqankii inoo giigsanaa gees walbaw cararye

-Labadii guddoonsaday jacayl jaf iyo ceeblaana

-Garashana halkeedii dhigee guur u qalab qaatay

-Iyagoon hankii gaadhinoo sugaya guushooda

-Gebagebo haddii lagu ridoo midiba gees aado

-Iyagoon guhaadaba u daban eeda kala gaysa

-Guunya dhaafsi caashaqa dhalaa qaatay godobtaase

-Kolba gabadh ninkeedii heshiyo wiil la gedo jooga

-Doonistooda gaarka ah hadday garasho naafayso

-Garashada ku soo boodday waa gef iyo ciilkoode

-Kalgacalkan garaadaystayee galbis u soo muuqda

-Gacal iyo xigaalow intaad dib u gudhinayso

-Garab inaa la siiyaa u roon gaari iyo wiile

-Talo bixin go’aankeedu yahay kala gurkaa daaya

-Gobtii lagu ogaayeey wuxuu gabaygu sii raacshay

-Gafanaha haddaan layska qaban xiisahaa gudhiye

-Intaynaan sidii gaaladii dhaqan gumeed yeelan

-Jacaylkana in loo wada gurmado galiya laabtiina…