Dumaal

Ninku markay xaaskiisa ka dhimato, gabadha ka yar  xurmo ahaan baa loo siiyaaye isagu ma shukaansan karo, waana ku ceeb, in uu dumaashidiisa xitaa kaftan ku shukaansado, waa dhaqan soo jireen ah. Sidaa darteed, waa uun la isa siiyaa Ilaahayna waa isku ceeb asturaa, oo way is jeclaadaan.

Waa damac jacaylkuye

Dookhayga ku calmaday

Imisaan dabool idhi

Duudsiyaayay caashaqa

Imisaan daraaddaa

Doogtii kalgacalkiyo

Igu durugtay aramidu

Maantana dillaacdaye

Mar haduu i daashaday

Dane aan iskaa baro

Waxan ahay da’ kula mida

Dadna ruuxa kuu jecel

Waa laga dabiibaa

Nafta laga daryeelaa

Halistiisa damaqdee

Daawadaydu waa adi

Danabkayga midigeen

Duunyada ku faanow

Dabaylaha shishiiyaha

Darbi iga xigaa tahay

Dariskayga nolashiyo

Waxa tahay dubkaygee

Dadna laba walaaloo

Is dugaashadaa nahay

Doqon haygu noqonine

Iga daa daldalashada

Hana isku keen dirin

Waa ceeb dumaashuye