Q-8aad sheekadii Hir-jacayl

Hibo waxay qaadatay muddo nasiinyo ah, ka dib waxay raacdo u gashay Cumar oo ahaa wiilkii ay is jeclaayeen mudadii ay joogtay dalka. Waxa ay soo raadisay halka uu sal iyo raad dhigay Cumar. Iyada oo ku jirt abaadi goob ayaa waxaa ay maalin maalmaha Ilaahay ka mid ah tagtay bartii uu dagganaa Cumar. Ilayn ileen wuu ka guurayba meesha ay isku soo hawshay imaatinkeeda. Niyad-jab iyo walbahaar Jacayl kaa ku dhacay waxay ku noqotay reerkooda iyada oo niyad xun. Waxaa si talataalli ah loo waydiiyay hooyo iyo aabbe, maxaa ku helay, markaasay tiri “Aabbe, Cumar waan soo waayay meel ku dambeeyayna lama sheegi karo.

Dharaartii xigtay waxa ay, si kadis ah ula kulantay Cumar oo ka soo baxaya meel uu ka dukaamaysanayay oo ahayd barta kaliya ay isku arki jireen badanka. 

Asalaamu calaykum Cumar

Wacalaykum asalaam walaal

Maad i garanaysaa Cumar?

May walaal meelna weligay kuguma arkin xitaa.

Waa Hibo…

Markaasaa Hadalba ugu dambaysay Cumar, waxaa uu is mooday in uu riyoonayo, sababta oo ah Hibo waxa uu ku ogaa reer, sidoo kale waxa uu ku tirinayay in ay tagtay dalka dibaddiisa. Wuu qaadan waayay waxa uu waydiiyay; “Hibo waa tee?”

Hibo Axmed Xasan. Maad ilawday jacaylkeenii ayay su’aashay Hibo. Hibo oo hadalka sii wadata ayaa waxay Cumar ku tiri: “Macaan weligay waan ku jeclaa, jacaylkayga dartiisna waxaan u huray naftayda, sidii aan kuu raalligalin lahaa mar walba iyo daqiiqad walba waxaan ku rajo waynaa inaan nolashayda inta ka hadhay aan kula wadaago, naftayduna adigay raalli ku tahay, kumana qasbi karaayo nin aanay raalli ku ahayn inay nolasha la wadaagto, runtiina waan ku jeclahay waxa ilmada waxa ilmada indhahayga ka shubayana maaha wax sahlan ee waa jacaylka aad igu beertay.

-Qadar dhacay canaan maleh

-Qaladna waa la sixi jiray

-Labadaysku qalantana

-Qaar kala dilaayoo

-Isku qoonsadaa jira

-Calaf lagaba quustee

-Qabanqaabadaan waday

-Qormadii aan dagi layn

-Ayaan weli qorsheeyaa

Hilawga iyo hamuunta jacaylka ee ay isku qabeen awgeed, ayay mar kali ah isku soo ordeen isagoo midba midka kale ku faraxsan, waxayna is waydaarsadeen erayo kalgacal iyo kal furnaan miidhan ah iyagoo go’aan ku gaadhay in ay iska illoobaan wixii ay dhib u soo mareen iyo marxaladihii adkaa ee ay jacaylka kala kulmeen. Tusaale ka mid ah Ruwaayadii Da’da maanta iyo duruufta jirta ee Abwaan Geesdiir ayaa odhanaysay Sidan:-

-Naf ku aamintaad

-Ubax soo bixiyo

-Ilays aad u tahay

-Adna ii ogow

-Anfacada la cuno

-Adoon ila dhiyin

-Afka maba gashoo

-Iima aha dhadhamo

Hibo

-Axdigii la galo

-Qofka oofiyuu

-Alle jecelyehee

-Ayaan badaniyaa

-Uurkiyo qalbigaad

-Ku abuurantoo

-Hadi aanan ku arag

-Adigay indhuhu 

-Kuu ilmaynayaan

Cumar

-Ag joogaaga iyo

-Erayada kalgacal

-Inay igu bataan

-Alle jeceliyaa

Hibo

-Oon iyo dhib iyo

-Orodiyo intaan

-Intixaanka maray

-Aragaagan baan 

-Ku iloobayaa…