Abwaan Dubbad Hiirad

Allaha u raxmee, gabyaagii ciideed ee Dubbad Hiirad la odhan jiray, ayaa sidan rag ula taliyay.

1.   Dowladi Colaad Faaraxow, waa daruur sabane

2.   Nin hadii la dilo naagta, waa laga dumaalaaye

3.   Adoo xalay dib jirey caawa, waa lagu durduuraaye

4.   Jabo reer haduu dego mid, waa uga danbeeyaaye

5.   Dayr iyo xagaa laydhu, ways daba maraysaaye

 

6.   Hadduu doobte buuxsamo inuu, daato waw halise

7.   Durbana wuu kibraa sedo, ninkay dacasha saartaaye

8.   Ma da’ yara nin taladii digeed, joogay dabadeede

9.   Ka danbee rag waa kii tashaday, Dooxadii Dhababe

Xigasho/Doollo.com