Q-9aad ee shaakadii Hir-jacayl

Waxaa ay farxad u noqotay arrintani  dhammaan qoysaska oo aan anu ka kaw ahay, iyo sidoo kale Hudda oo ah xaaskeyga, si aan khaladkayagii u saxno ayaanu waxaan qabannay xaflad aanu ugu magac darnay dabbaal degga jacaylkooda, waxaan habeenkaa si kal iyo laab furnaan ah ula wadaagnay Cumar iyo Hibo oo aad ka dareemaysay jacaylkooda indhaha iyo sida kalgacalka leh ee laysku dheehayo.

Waxay isla qaateen in aroos iyo aqal gal ay noo soo bandhigeen sida ay  wax u wadaan. Waanu ku faraxsannahay annagoo raalligalina ka bixinayna Hibo maadaama aan markii hore xumaynay nin xuna aanu siinnay “Ku baad u bogtaa aragtidiisa  markaad baratana ka booddaa”, Iminkana jacaylkeeda rasmiga ah ku daro…

Waxaanu si midaysan u soo dhawaynay dhawaaqa ka soo yeedhay, lammaanaha anaga oo dammaanad qaadnay, inaanu u xadhka xidhano dhisidda iyo yagleelidda reerkaas cusub.

Hawraarihii lays dhaafsanayay waxaa ka mid ahaa tusaale ka mid ah ruwaayaddii Dada maanta iyo duruufta jirta ee Abwaan Geesdiir ayaa odhanayay sidan…

Geeraar

  • Cadceed soo iftiintiyo
  • Cosob iyo dhul dooglay
  • Caynkaagan oo kale
  • Carradaba kumaan arag
  • Canabey nasiibkii
  • Calafkuu ku siiyaa
  • Cagaga dhigay adduunyada
  • Anna caashaqaygii 
  • Cindiga iyo laabtuu 
  • Calan uu ka taagtoo
  • Igu curay ayaamahan
  • Cishadii aan kulanaa
  • Caafimaad dareemoo
  • Adaan kugu caweeyaa
  • Caadadaan lahayn iyo
  • Caawimaadda guurkeed
  • Carabaabtay waa guul
  • Codsigana hayaan idhi
  • Ceeb ma leh kalgacalkuye
  • Hadduu cududda kaa xidhay
  • Cidhifkeyga waan qaban
  • Axdigu waa culaysoo
  • Cayaar laguma qaadee
  • Ku calmaday haddaa tidhi
  • Hadday kaa calool tahay
  • Sida curad aan dhalay baan
  • Anna kuu cizeeyee
  • Cadaw jabiye ii noqo

Rabbi wuu nagu guuleeyay hawshii aan wadnay, waxaana dhisnay reerkii iyaga oo isku faraxsan ayay aqal galeen. Hibo iyo Cumar waxay si wada jir ah, u mahadiyeen nolasha cusub ee ay billaabeen iyaga oo ku faraxsan kana run sheegaya ayaa waxay Hibo su’aashay Cumar waydiin ah  Xabiibi maxaad ku iloobi lahayd dhibkii iyo kala fogaanshihii ina soo kala dhexgalay, ayaa wuxuu Cumar ugu jawaabay isaga oo dalbaday dalxiis iyo dalbarasho inay ugu baxaan xeebaha dalka Soomaaliya marka koobaadna ay ka billaabaan  xeebaha gobalka awdal iyaga oo ka billabay xeebta Saylac iyo Sacaadadiin, safarkaas oo ay ku soo dhammeeyeen xeebta Ceel-sheekh ee gobalka Awdal, waxaa kale oo ay ku xijiyeen magaalo xeebeedda Barbara, Batalaale, Xiis iyo Maydh, Eyl iyo xeebo badan oo ka tirsan deegaanada dalka Soomaaliya. waxaa ay soo wada qaateen, wakhti waayo iyo xasuus badnaa iyo nolol iyo xiise xamaasad gooni ah wadatay.