Gurmad Sokeeye

Waxaa la yidhi shimbir baa wuxuu arkay shimbir kale oo aan duuli karin, balse dhulka inta tabartiis ah cararaya, isla markaana waxaa daba ordaya maska loo yaqaano, mas-duulaa. Shimbirku inta ka awood ah wuu baxsanayaa, hadduu baalal lahaan lahaana wuuba duuli lahaa, balse maska ayaa ah nooca sida shimbiraha u duula. Marka waxaa dhacday, shimbirkii kale ee hada duulayay isna wuxuu ahaa midka masaska ugaadhsada nooc kasta masku ha ahaadee. Shimbirkii lugaha ku cararayay isaga oo is dhiibay oo daalay, ayuu inta istaagay gadaal eegay, isaga oo raba inuu markan afka kula dagaalamo maska, balse wuxuuba arkay maskii oo hawada lala galay, oo shimbir yar uu wato. Cabbaar inta uu kor fiiriyay ayuu iska dhaqaaqay, isaga oo isku haysto in la caawiyay. 

Run ahaantii labadaas shimbir isma aysan caawin ee  midna wax buu ugaadhsanayay, midna waa la ugaadhsanayay, balse wakhtigaas aadbay iskugu baahnaayeen. 

Haddaba sheekadan waxaan ka fahmaynaa, in ay fiicnaan lahayd, in wax kasta oo isku jinsi ah, ay isku dhinac ka maraan wixi dhibaataynaya, inay iska kaashadaan cadaw kasta oo shisheeye ka ah iyaga.

Waad mahadsantihiin akhristayaasha sharafta badan ee nagu xidhan, aadbaan idiinku faanaa ubaxa Soomaaliyeed.