Alle soo nabad celi iyaga oo faraxsan, Waa guusha guusheedii waxa aan annagu weli ka xunnahay, sidii xumayd ee aan ka yeelay inantayda Hibo anoo rajaynaya inay farxaddan danbe ku illoobi doonto.
Muddo ka dib waxaa Hibo u caloolgalay wiilkeedii Curadka ahaa, kaas oo qoyska dhammaantii ku soo kordhiyay farxad iyo rajo wanaagsan wixii maalintaa ka dambeeyay waxay noqotay in Hibo si gaar ah loo daryeelo si ay iyada iyo ilmuhuba u helaan nolol wanaagsan.
Waxaa intaa u dheer erayada iyo odhaahyada lays dhaafsanayo ee mid waliba gaarkii ku abuurayo xiiso iyo kalgacal xooggan waa qoys barakoobay oo ku socda nolasha xorta ah iyaga oo si wada jir ah midba midka kale ugu bandhigayo jacayl iyo jamasho gooni ah.
Waxaa qoyskii ku soo biiray ubax cusub oo dhammaan lagu wada farxay dhalashadiisa waa wiil curad ah oo loogana magac dhigay Deeqsi Cumar. Maalinkaas wixii ka dambeeyay Hibo waa Hooyo sidoo kale anna waxaan noqday awoowe anoo weli isku haysta inaan yarahay.
Waxaa intaa weheliya xafladaha iyo damashaadka gaar gaarka ah ee sida is daba joogga ah loo qabanayo. Farxad dabadeed aya maalin waxaa yeedhay taleefoonka gacanta ee Cumar kaasoo markii uu qabtay ay kala hadashay islaan Eeddo u ahayd oo dacwad iyo hawlo dhoof ah u wadday
Waxayan u sheegtay in ay hawshii meel wacan marayso dhawaana ay soo gabagaboobi doonto. Waxay intaa u sii raacisay in uu hadda tago safaaradda si uu ugu warbixiyo, waxaana daqiiqado gudahood isku baddalay jawigii madasha iyo weliba niyadii Cumar oo aad uga xumaaday. Dhawaaqa ka soo jeedhay eeddadii. Hibo iyada habeen madaw baa u dumay waxaanad mooddaa in geeri loo soo sheegay Hibo iyada oo xisaabsanaysa barta ay nolasheedu ku dambayn doonto ayaa waxa ay qiimaysay muddada uu maqnaanayo iyo muddada uu sharciga ku qaadan karo iyo weliba muddada uu qoyskiisa ugu dacwoon karo.
Waxa ay isla tagtay muddo gaadhaysa toban sano! Iyada oo ku qanacsan weli jacaylka iyo kalsoonida ka dhaxaysa Cumar ayaa waxay aqbashay inuu tago maadaama ay xaafaddu culays badan ku saartay siduu u bixi lahaa.
Waxaa lays waydaarsaday heestii ahayd:-
(Bal aan kula dardaarmee…)
Ee ay qaadeen Xasan Aadan Samatar iyo Sahra Axmed
Sahra Axmed
Dawadii naftaydow
Bal aan kula dardaarmee
Dabuubtaan ku leeyahay
Ku daabaco qalbiga oo
Weligaa ha sii dayn
Duushaye Allow nabadey
Qorraxduna dallaalimo ee
Caashaqana daadihi
Weligaa ha sii dayn
Xasan Aadan Samatar
Darmaantaan jeclaayey
Balaan kula dardaarmee
Dantu wada jirweeyee
Docdaada yayn ka baylihin
Anna tayda igu daa
Dunida oo barwaaqa ahey
Dalka nabad ku sii joogee
Caashaqana daadihi
Weligaa ha sii dayn
Sahra Axmed
Dayaxaan jeclaayow
Balaan kula dardaarmee
Dumarkana adoo kale
Ta heshaa ma daysee
Dookhaaga ka ogow
Duushaye Allow nabadey
Qorraxduna dallaalimo ee
Caashaqana daadihi
Weligaa ha sii dayn
Xasan Aadan
Deymada u rooney
Balaan kula dardaarmee
Kuwa loogu dawgalay
Labadii is doortee
Kala dila dadka is jecel
Ayaaney isku keen diriney
Dunida oo barwaaqa ahey
Dalka nabad ku sii joogey
Caashaqana daadihi
Weligaa ha sii dayn….