Taariikhda Suldaan Olol diinle

Walaal Akhri Taariikhdii Halyeygaas Soomaaliyeed oo u dhintey Difaacida Ciida iyo Calanka Soomaaliyeed.

Naxariistii Jano Alaha siiyee Suldaan Olol Diinle oo taariikhda umadda soomaaliyeed ee gumeysiga neceb baal dahab ah kaga jira wuxuu dhashay dabayaaqadii qarnigii sideed iyo tobnaad, wuxuuna ku dhashay magalaada Shilaabo oo ka tirsan dhulka Itoobiya gumeysato ee hadda loo yaqaano Kililka shanaad waxaana uu ka mid ahaa madax dhaqameedyada soomaaliyeed ee xiligiisii kuwii ugu magaca dheeraa si weyna ay umadda soomaaliyeed u sharfi jireen.

Suldaan Olol Diinle Allaha u naxariistee isagoo aad u yar ayaa qoyskiisa ay geeyeen dugsiga quraanka oo uu ka dhigtay magaalada uu ku dhashey ee shilaabo halkaas ayuuna ku barbaaray.

Taariikhaha cajiibka ah ee geesigii soomaaliyeed Suldaan Olol Diinle laga sheegay waxaa ka mid ah in uu isaga oo aad u yar oo lix jir ah uu ka soo hor jeestay ciidamadii Itoobiya ee dhulkaas imaan jirtay ee Baadda ama waxa loo yaqaaney (Gibirka) ka qaadi jirtay Soomaalida.

Wakhtigaas maadaama dadka dhulkaas degganaa ay u badnaayeen xoolo dhaqato oo aanay lacag haysan Xabashidu waxa ay dadka ka qaadan jirtay Subag, Malab iyo wax kasta oo ay markaas anfac u arkayeen.

Soomaalidu wakhtigaas wax hub ah ma haysan oo aan ka ahayn Waran, Fallaar iyo Tooray ama Bilaawe. Sidaas darteed ciidamada Itoobiya ee Xabashida oo hubka iyo rasaasta ka heli jirtay waddamada reer galbeedka, waxaa u suurto gashay in ay Soomaalida xoog ku muquuniyaan; dhulkoodana tartiib tartiib ugu fidaan.

Wakhtigii Itoobiya dhulka Soomaalida ku fidaysay waxa ay isku dayday in ay odayaasha iyo wax garadka Soomaalida ka dhaadhiciso in ay xukunka Itoobiya hoos yimaadaan, aqbalaana in ay yihiin dad Itoobiyaan ah.

Halyeeygii soomaaliyeed Suldaan Olol Diinle wuxuu ka mid ahaa odayaashii iyo wax garadkii arrintaas ka soo hor jeestay ka dibna Xabashidu waxa ay bilowday in ay isku daydo in ay mucaaradkaas xoog ku muquuniso.

Soomaalida oo aad uga werwer qabtay in Ingiriisku dhulkooda oo Xabashidu danaynaysay uu ku wareejiyo ayaa sanadkii 1944,kii odayaashii wax garadka ahaa ay ka codsadeen Ingiriiska in aanu Itoobiya ku wareejin. Hase ahaatee, si Itoobiya u soo jiidato odayaashii ku kacsanaa ayey odayaashii qabiilada dhulkii la isku haystay degganaa mushahar kii Ingiriiska siin jirey ka badan u qortay. Waxaa kale oo la weriyey in ay jireen odayaal labada dhinacba Ingiriiska iyo Itoobiya mushahar ka qaata. Waxa ay ahayd markii gabyaagii caanka ahaa alaha u naxariistee Faarax Nuur uu lahaa:

“Ingiriis Axmaariyo Talyaani, wey akeekamiye 

Arligaa la kala boobayaa nin u itaal roone 

Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye 

Waa duni ninkaad aamintaa kuu abeeys yahaye 

Waa duni xaqii la arkayaa la arjumayaaye 

Waa duni akhyaartii lahayd iib ku doon tahaye 

Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye

Odayaashan loo yeeray ee la anfac siinaayo 

Asaxaabihii bayna yiri gaal ha aaminine

Hadaad niman Islaamiyo tihiin aadan ubadkiisa 

Oydaan Ilaahay ka go’in hayna oodina”

Sannadkii 1947,kii Qabiiladii Soomaalida ee dhulka Itoobiya gumeysato degganaa oo dhan marka laga reebo qabiilka Ciise, waxa ay ka soo hor jeesteen in dhulkooda Xabashida lagu wareejiyo.Waxa ayna Ingiriiska ka codsadeen in cabashadooda Qaramada Midoobay loo gudbiyo. Hase ahaatee, Ingiriisku dheg uma jalaqsiin cabashadii Soomaalida dhulkaas deggan, wuxuuna go’aansaday inuu dhulkaas Itoobiya ku wareejiyo. Wuxuuna Ingiriisku ku adkaystay inuu tixgelinayo heshiiskii uu Itoobiya la galay sanadihii 1942,kii iyo 1944,kii ee la oran jirey Anglo-Ethiopian. Markii wareejintaas lagu dhawaaqayna waxaa magaalada Jigjiga ka dhacay mudaaharaad aad u weyn, waxaana ku dhintay 25 qof oo Soomaali ah.

Markuu sanadku ahaa 1949,kii Allaha u naxariistee geesigii soomaaliyeed Suldaan Olol Diinle oo ahaa nin aad u necbaa gumeysiga Itoobiya iyo toban nin oo kale oo ahaa kuwii ay siyaasad ahaan iyo halgan ahaanba aad isugu dhowaayeen ayaa dawladii Itoobiya xirtey. Nimankaas markii hore waxaa la isugu keenay magaalada Qalaafe, ka dibna waxaa loo gudbiyey Harar halkaas oo looga sii gudbiyey Addis Ababa. Xabsiga “Alanbaqa”—xabsigan oo aan ka soo noqoshada lahayn. Tobankaas nin waxa ay isugu jireen qabiilo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Ajuuraan, Baantu (reer shabeelle) iyo Ogaadeen. Waxaana ka mid ahaa laba nin oo Suldaanku adeer u ahaa oo la oran jirey Cabdikariim Diiriye Olol Diinle iyo Cabdullaahi Diiriye Olol Diinle. Waxaa kale oo raggaas ka mid ahaa rag Suldaanka hablihiisa ama gabdhahiisa qabey. Waxaana aakhiritaankii sanadkii (1953) halyeeygii soomaaliyeed ee ku caan baxey kasoo horjeedka gumeysiga Itoobiya Allaha u naxariistee Suldaan Olol Diinle lagu dilay Xabsiga dadka lagu cadaabo ee la yiraahdo “Alanbaqa” oo dalka Itoobiya ku yaala.

Fadlan walaal share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan Taariikhda Geesigii Soomaaliyeed ee la dagaalamey Gumeysiga Itoobiya Allaha u Naxariistee Suldaan Olol Diinle.

Qalinkii: Faarax Maxamud.

X/voice of Somalia