Gabaygan Dalxiis, abwaanku wuxuu kaga hadlayaa hodanimada iyo qaninimada dhulka loo yaqaano
Ogaadeenya ama Soomaali Galbeed. Wuxuu gabaygu ka mid yahay gabayada naadir ka ah ee Dhoodaan.
Wuxuu yidhi:
Dalkayaga dabeecooyinkii, Eebe ugu deeqay
Dulwareejis guud baan tilmaan, kugu dawaafsiine
Ila daawo gabaygaygan waan, kugu dalxiis gayne
Hanfi dab iyo duufaano maleh, ama diraac dheere
Madaayaan daruurtiyo cirkuba, waana di-i-taane
Daafyahaa saraa noogu badan, karan darroorteed e
Umana doollin doog iyo xareed, wali dadkiisuye
Mana doosho duunyadu dhul kale, sidan daraadeede
Inta Dahare Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso
Ee daan Galbeed iyo kor baan, kuu dalaandalinne
Waana dul iyo diillaha dhixiyo, duudo iyo buure
Durdur iyo dad haro uu qotiyo, kali dafoo buuxa
Tog durraaba laagaha dixdiyo, wabi kasoo daaca
Biyaha daadku dooxiyo hundaba, way dindimayaane
Markaasuu qofkii doonayaa, dalaga beertaaye
Ma dardugin farsamaday shacbigu, tacab ku doontaane
Harqoodkii dushiyo kootar adag, dacal u saaraane
Jiqirtidaan dabcayn Nugi durtiyo, kooshi loo dadabye
Minaaq daloolay baa marashadii, loo dusinayaane
Digiraday dafsiin iyo irfidaa, la isku daabtaaye
Xadhko dunniyo suun iyo qoryihii, laysku wada duubye
Sango dacayan dagal kaw sudhoo, lagu dabaabeeye
Markaasay dullaha qaadannooy, daba istaagaane
Alaabtaa carada dooxi bay, dibidu jiidaaye
Ciid abuurkii lagu daadinbay, kala dilaacshaane
Dhulkuna daahimaayee sidii, lagu dareemaayey
Durba midhihii oo doog noqday buu, soo dalacayaaye
Dheelidaa dabayluhu lulaaan, maalmo dabadeede
Hadana way ka dabargoyn ristiyo, caws dugsiin kara e
Doc katuure laamuhu sabuul, firi dahaadhnayde
Waliba shay darxumo keeni baa, laga duwaayaaye
Waxay ugu dikeeyaan sariir, daakhilkeeda ahe
Doofaarraday kaga ceshaan, amase daanyeere
Wadhaf bay ku daafici shinbiro, duulayaa jira e
Mudday laydh dabaalane kolkay, diir-cadaad noqoto
Qof dibjiray haduu soomariyo, socoto diifaysan
Looguma darree beerta waa, laga daryeelaaye
Wixii deeqi karay baa martida, looga sii dubiye
Qofkii oon degmada gaadhin bay, sii dibiriyaane
Qodaal darisa waa lagu ogaa, daawo iyo xeere
Way ugula dillaamaan mandado, kii dalbada guuse
Bakaar duugte xero oodan dayr, oo karoor dade
Qofba wixii dorraad kayd u yiil, wuu diqdiqayaaye
Dhulkani deeq Allaalehe intuu, naga durduursiiyay
Wixii Daa’in naga dheefshay iyo, qaar ku sii dihinba
Dibno kuma idlayn karo sadkuu, noogu daabacaye
Duuduub ahaan saricii waan, kuu dulleed maraye
Dabrocelinta hoos iyo Bari baan, kuula daadagiye
Tanna ila day waa daaqsintiyo, geestii duunyada e
Inkastoo darraanshihii batay iyo, dacatigii maalku
qof daman oo kuwiisii dacniyay, ama darbaynaaya
Isba caydh dagaagtiyo fakhribay, dani u gaysaaye
Dango malaha duunyadu hadaan, layska daayicine
Ma darsaan damiin jaahil iyo, doqontu waa mooge
Iga daase hadalkaan damcay, tani duwaysaaye
Maansada dariiqii horaan, kuugu daadihine
Gu iyo dayr dabaylood xagaa, ama diraac goodle
Afarta xilli dacalka Bari, waa isdabajooge
Dagmadiyo siday ugu dhaqmaan, ceel-shubkiyo doogga
Durdur iyo magaalaba anaa, kugu dalxiis gayne
Sheekada aan lagu daalin baa, daawo miidhan ahe
Waxba yaanan kuu sii daldalin, sheeko dabadheere
Ma daynine dulkaasaan hadhow, daadah kaa odhane
Maantana halkaa noogu daa, haysku sii diline
Diyaar noqo hadana saadanbaan, daqaqamaynaaye
Cabdi Xiis ayaa gabayga ka qoray cajaladdii uu ku duubnaa. Mahadsanid saaxiib.
Xigasho/doollo.com