Barnaamijka haybadda iyo hibada nool, waa barnaamij suugaaneed aan taxane ka dhigi doonno oo aad kala socon kartaan boggan Dhugasho maalin kasta oo Arbaco ah Idam Alle. Gabayga ugu horreeya waxaa curiyay Abwaan Axmed Shilke, waana gabay uu ku cabbirayo xulashada gabadha wanaagsan.
Adduunyadan macaan iyo qadhaadh la isku qoofaalay
Boqollaal qorshoo qaybsan iyo waayo kala qaada
Nin walbaba wuxuu qabanayiyo wixi qusayn doona
Halkuu qoobka dhigi iyo intuu quud anfacan doono
Intuu malab qudhqudhin doono iyo dacar intuu qooshan
Wax qatali naftiisiyo wakhtiga uu qudh bixi doono
Jannadii qaboobayd inuu qolal ka siin doono
Iyo naarta qiiqa leh mid uu qayb u heli doono
Ilaahii qorsheeyaa tihiyo qaaddirkii jara’e
Codsigaygan ii qabo adaan kugu qancaayaaye
…
Kala mudan qalbiga xaadhan iyo oogo quruxdeede
Qur’aankiyo mid aan baran watiin qaafir iyo tawba
Loox iyo khad taan qaadan een qalin ku feegaarin
Ama qaayo waynow kitaab galinin qoorteeda
Qormadii Rasuulkiyo (scw) axdiis midaan ku qawlaynin
Weysada mid aan qaadan iyo qalab salaadeedka
Oo aan qibla u jeedsanayn ama qushuucaynin
Sharaf way ka wada qaawan tahay qurux dhammaanteede
Qiyaas ma laha ooridu haddaan diini qabanayne
Xaaraan la qooshiyo sun bay qoorta kuu galine
Allahayow adaa qaadiree qayb ha igu raacin
…
Waxaad hawlo soo qabato eed qarashka raacdayso
Adoo qiiqayoo daallan oo qaba harraad xoogan
Markaad guriga qoob soo dhigtee qolalka soo gaadho
Mid aan biyo qabaw kula ogayn ama qobayskaada
Weligeed qufulan aan qoslayn qaayo iyo daa’im
Marna qaylo iyo buuq wadoon qaxar ka waantoobin
Qasaariyo dhib baa laga dhaxlaa qoomamiyo ciile
Allahayow adaa qaaddiree qayb ha igu raacin
…
Qaraabada mid aan soo dhawayn ehelna qiimaynin
Oo xishoodka laga qaaday oon abid qashaafaynin
Waa qaali sharaftuye mid aan xumo ka qiiroonin
Oo aan saxdiyo qaladka iyo garanin qaynuunka
Aadmiga midii aan qadarin ee qabku halleeayay
Ee aan qaddiifado u dhigan gogol la qaabeeyay
Ma qajila martida qadisa oon qado u meelaynin
Oo quud la calashoo yar iyo aan kabbada quudhin
Qiimahaada nolashoo dhan bay qalaw ka tuurtaaye
Allahayow adaa qaaddiree qayb ha igu raacin
…
Qashin jiifa eel laga qaxiyo qudhun dhex jiifaysa
Qayrkeed ma raacay filkeed hawsha lama qaybsha
Mar walbaba qandooday hurdada qulul u sii jiifa
Sidi ruux qudh baxay caynadii qayd iskama laaba
Magallooti qaabkiisa ley qoys ma tabantaaba
Ma qiyaasa qiillaay marnaba hawl ma qabanqaabsha
Qiimahaada nolashoo dhan bay kala qabyaysaaye
Allahayow adaa qaaddiree qayb ha igu raacin…
Gabaygan wuu socdaa…