Q-11aad sheekadii Hir-jacayl

Abaabul iyo ambabax dabadeed waxaa suuro gashay inuu Cumar tago safaaraddii waxaana loo sheegay in uu vise hiisu yaallo dhawaana uu bixi doono. Cumar Alle hawlihi wuu u fududeeyay, wuxuuna tagay dalka dibadiisa, gaar ahaan waddanka Maraykanka wuxuuna isla markiiba la soo hadlay hibo iyo oo ah xaaskiisa. Si uu ugu sheego in uu nabad tagay, waxayna marwalba ka wada hadlaan baraha bulshada iyo weliba telfoonka gacanta ee ay wataan labaduba.

Waxaa in mudda ah xidhiidhsanaa jacaylkii ka dhexeeyay Hibo iyo Cumar iyaga ood mooddo inuu midba midka kale xiiso iyo xamaasad u hayo. Cumar wuxuu is diiwaangaliyay goob lagu barto luuqad qalaad si uu ula jaanqaado dhaqanka waddanka ka jira iyo sida uu ula macaamilo bulshada uu la noolyahay.

Cumar wuxuu in muddo ah la soo hadli waayay Hibo isaga oo ka war qabin meesha ay ku dambaysay iyo sida uu xaal yahay. Hibo waxaa la soo darsay welwel kale iyo walbahaar  kii awal heli jiray. Hibo waxay taleefoonisay qoyskii iyo asxaabtii Cumar si ay war iyo wacaal ugu hesho Cumar meesha uu ku dambeeyay.

Waxaa ka soo wareegtay in muddo ah, dabadeed Hibo waxay maalin kasta nafta ku sasabtaa in uu mar uun soo hadli doono iyada oo aad mooddo in ay weli sii hayso xiisihii jacaylka. Hibo waxay mar walba ku hadaaqdaa erayo ay ka mid yihiin:- 

Ku jecliyaa Cumar dadkana kuu jecliyaa, runtiina waxaan ka welwelaaya sidaan u noolaan lahaa adiga la’aantaa, marwalbana waxaan ahaan doonaa mid adiga kaa fikirta. Jacaylka aan kuu qabo waxaa uu ku baahay jidhkayga oo dhan, waxa uu gilgilay qalbigayga, waxa uu ku milmay dhiiggayga, waxaa uu dhaqaajiyay dhuuxayga. Waan ku baryayaa Cumar ha ka bixin ballantii iyo wacadkii inoo dhexeeyay. Naftayda waxaad ku abuurtay dareen jacayl oo aanay weligeed  arag marwalbana xagaaga ayaan ahay kuuna balan qaadayaa, runtiina waan ku jecelahay.

Kaaf iyo kala dheeri Cumar ma ogaba in la danaynayo iyo in ay qof jecel ka dambayso. Cumar waxa uu bartay gabadh ku nool waddanka uu joogo isaga oo aadan moodinba inay inan iyo reer ka dambaysay ayuu si kalsooni leh u guursaday inantii kale isaga oo la wadaagaya farxad iyo xulasho dareen kale. 

Waxa uu Cumar maalin maalmaha ka mid ah furay taleefankiisa gacanta, isla judhiiba Hibo oo ka samri la ayaa soo wacday, Cumar waxa uu ugu dhiibay xaaskiisa cusub isaga oo faraya in ay xumayso inantan.

Waxaana dhex maray hadalladan…

Hibo: Hellow Cumar

Ixsaan: Haa Walaal yaad u baahnayd?

Hibo: Walaal Cumar meeday?

Ixsaan: Maxaad uga baahnayd?

Hibo: Walaal waa xaaskiisii magacaygu waa Hibo.

Ixsaan: Walaal wax moog baa tehee wax hubso.

Hibo: Ma Numbarkaa iga khaldamay walaal raalli ahaw.

Ixsaan: May waad saxantahayse Cumar nolashiisi Afrika tu dhaanta ayuu helay haddana anaa xaaskiisa cusub ah, ma garatay walaal marka ha ku daalin. 

Hibo: Yaab iyo amakaag, mar kali ah bay si degdeg ah u jartay phone kii ay ku hadlaysay, iyada oo qaadan kari la’ waxa ay kala kulantay, Cumar ayay Hibo samaysay in ay mar kale ku celiso si ay u hubsato waxa jira in uu dhab yahay iyo in kale ayay haddana kala kulantay aflagaaddo iyo caga juglayn aan kala go’ lahayn isla Cumar qudhiisi:-