GURGURKA AQAL-SOOMAALIGA

                                   

RAAR

KABAD-GALOOL

DHIGAHA

ALOOL

LAMMO

XADHKO-TIDCAN

HAAMO

UDBO

SAABAB

HIMBEER

MASAF

ABAAXAD

                                       RAAR

Raar waxaa la isku dhahaa waxyaabo badan oo laga sameeyo dhirta. Wuxuuna ka kooban yahay waxyaabahan soo socda;

Xaskul

Caw

Maydhax

Caws  IWM.

Shayadan oo ah kuwo laga rabo in wax laga sameeyo, ayaa aqalka dhaxdiisa raar looga dhisaa si halkaas loogu kaydsado. Sida badan shayadan iyaga oo qoyan ayaa la soo guraa, ka dibna marka ay qallalaan ayaa la isku habeeyaa oo la isku xidhxidhaa.

                                        KABAD

Kabaddu waa shay laga sameeyo geedka lagu magacaabo galoolka. Geedka galoolka ah, wuxuu leeyahay qodxo iyo maydhax marka uu koro, maydhaxdiisu waa mid adag oo wakhti dheer aayi karta. Gabdhihi soomaaliyeed waxay soo diiri jireen galoolka maydhaxdiisa, ka dibna intay qallajiyaan, oo ay asal ku karkariyaan ayay feedhi jireen. Intaas ka dib ayay samayn jireen geeddiyaal badan oo miiqyo ah, waxayna isku samayn jireen maydhaxdii oo guduudan iyo geeddiyaashii ay sooheen, waxayna ku farshaxamayn jireen alaabo kale oo dun iyo waxyaabo quruxsan oo kale ka kooban, sidaasayna ku soo saari jireen waxa loo yaqaano kabadda, waxaana dhinaca laga saari jiray aqalka. Kabadda samaynteeda waxaa iskugu iman jiray dhawr haween oo iskugu jira kuwo aqoon dheer u leh kabadda iyo kuwo caawinaya.

 

                                       DHIGAHA

Dhiguhu waa shay ka mid ah aqal soomaaliga. Waxay ka samaysan yihiin geedeha laamahooda dhuudhuuban iyo xoodhka haragga adhiga oo la isku marmaray. Geedaha laamahooda dhigaha laga sameeyo waxaa ka mid ah; (Hohobta, Midha-caska, Gommoshka, Cawska lagu magacaabo duurka, xididdada sarmaanta, xididdada qudhaca iyo kuwo kale IWM). Haragga dhigaha lagu marmaro waxaa lagu magacaabaa; “Jil ama Xoodh). Haragaas marka neefka laga siibo, ayaa isaga oo wali qoyan waxaa lagu xabaalaa dhulka, marka uu muddo xabaalaado, ayaa inta la soo bixiyo isaga oo xoodh ah, waxaa lagu deebiyaa dambas, ka dibna dhigorta ayaa laga hoolaa, markaas ayaa la daldaliiqoo oo xadhko dhuudhuuban laga sameeyaa si dhigta laamaheeda loogu marmaro. Dhigtu waxay madaxa  hore ku leedahay laba qoddo oo dhulka loo galiyo.

                                                 

                  ALOOL

Aloolku wuxuu ka mid yahay heeryada aqalka lagu da’do aqal-soomaaliga, waxaana laga sameeyaa laamo dhuudhuuban oo laga soo guray, cawska dheerdheer ee loo yaqaano duurka, waxaana la isku sameeyaa laamahaas iyo maryo la dildillaaciyay . Aloolka sida badan marka aqal-soomaaliga la dhiso, ayaa lagu albaabaa afaafka aqalka, oo waxaa laga dhigtaa ”Af-daah”.

 

    LAMMO

Lammadu waa harko xoolaad oo laga sameeyay geela iyo lo’da. Harkaha marka laga siibo neefka waa la dhisaa, oo dhulka ayaa lagu wadhaa. Marka uu qalalana, waxaa la isku keenaa seddex ama laba harag oo kala nooc ah, ka dibna waa la isku tolaa. Lammada dhinaceeda sare, lagama hoolo dhogorta, ee waa loo daayaa, dhinaca kalena waxaa la mariyaa asal iyo subax xaydh ah.  Lammadu ama saanta waxaa aqal-soomaaliga lagaga dhisaa dhinaca dambe, marka reerku guurayo ee aqalka awrka lagu wada raro ayaa lammada ama saanta korka lagaga giblaa awrka si ay aqalka iyo weelasha qorraxda uga celiso.