Ragga laguma dayo shay haddaad diidday waa hore’e.
Dadna waa la dhawraa Haddaad daris wadaagtaane
Nimaad duunyo wada leedihiin looma duur xulo’e.
Danyar laguma jeesjeeso iyo maato taag darane
Damiirkaaga lama iibsadiyo sharafta duuggaahe
Xeerka iyo haddii dawga iyo diini qabanayso
Danbi wayn ninkii galay qabiil looma daafaco’e
Danta guud waxaan door lahayn looma daayaco’e
Deeqlihii carrada kaa alkumay dunidan aan joogno
Cilmiga iyo diintiisa waa laga danbeeyaaye
Danbi lagama galo ruux hadduu daacad kuu yahay’e
Lama dilo haweenay haddaad dadab wadaagtaan’e.
#Axmedshilke2020