Aflagaaddo iyo cagajuglayn aan kala go’ lahayn ayay haddana kala kulantay isla cumar qudhiisii!!!
Labo caashaq dheefsaday
Isku dhaato weligood
Dhuuniga wadaagoo
Dhalnteedka iska jira
Mid hadduu dhaqaaqoo
Dhoof meesha soo galo
Mudda aanan dheerayn
Maxaa dhaawac keenoo
Dheelliyay jacaylkii
Shalay dhaarta loo maray?
Yaab, amakaag iyo anfariir ayaa u dhamaaday. Hibo iyada oo go’aansatay in ay ku kacdo fal lid ku ah nolasheeda adduun iyo teeda aakhiro, mar ay u baxday suuqa ayaa Hibo waxaa ay ku dhacday suuqa dhexdiisa. Waxaa ku soo buuqay dadkii ka ag dhawaa meesha ay Hibo ku dhacday ama ay ku suuxday, isla judhiiba waxaa i soo wacay mid ka mid ah ku gadaanaa Hibo. Waxaa uu ii sheegay in ay inantaydii Hibo suuqa ku waxyeellawday. Markii aan maqlay hadalkaas, waxa aan lala garan waayay meesha la ii tilmaamay iyo meesha aan joogo. Waxaan si degdeg ah u qaatay baabuur si aan Hibo xaaladdeeda caafimaad ula tacaalo.
Waxa aan geeyay dhakhtarka weyn ee magaalada. Hibo waxa ay soo miyirsatay muddo ka dib, iyada oo na weydiisay waxa meeshan lo keenay. Si degdeg ah ayay Hudda oo xaaskeygi ah ugu jawaabtay, “Hooyo waad yara wareertay, sidaa darteed, ayaanu dhakhtarka kuu keenay, si aad nasiimo ugu qaadato”.
Intayada meesha fadhidaa midna wax kama oga xaalka Hibo mid suuraysan karayaana naguma jiro. Waxaa niyad xumo nagu dilay ogaanshaha waxa inantayada helay oo aanan weli ka war helin iyadana aananu waydiin karin xaalado caafimaad awgeed.
Waa maalinkii 3aad ee ay Hibo ku jirto dhakhtarka. Ka dib waxaa noo soo galay dhakhtarkii u qaabilsanaa xaaladda Hibo, waxa uuna nagu war galiyay in Hibo laga helay xanuuno dhawr ah, sida: Dhiigkar iyo macaan. waxa uu intaas noo sii raaciyay in ayna Hibo qaadi karin buuq iyo cadho midna ka dib dhakhtarkii wuu naga baxay.
Haddaba Hibo waxaa ku sii kordhay fikir iyo cadho waxaa intaa u weheliya niyad jab iyo Hammi burbur ay ka qaadday nolasheeda. Hibo waxaan waydiinay waxa dhibka intaan le’eg u gaystay iyo sida ay wax u jiraan.
Sidaan uga sugaynay in ay wax noo sheegto, ayay halmar ilmo indhaheeda ka soo qubatay, mar kaliya ayuuna is baddalay jawigi aanu ku sugnayn, annaga oo quus joogna ayay Hibo si dareen Qiiro leh u tiri Aabbe iyo Hooyo nolashi micne iima samaynayso dhibka iyo inkaaruhu halkay iga haystaan?