Maansada oorida

Abwaan Axmed shilke

 

Ooridaada garab sii

Goobaha dalxiiskiyo

Intaad gayso beeraha

U gur ubaxa caashaqa

Yaanu gaadhin erey xuni

Nasab lama gumeeyee

Hadallada gurracan iyo

Gurradiyo canaantiyo

Guul guulka ka ogoow

Galin yaanay ciil mudan

Yaanay ooyin goor qudha

Yay gubtaanyo awgeed

Ilmo gobo’ kasoo odhan

Gudo waajibaadkii

Gooni adiga kuu sudhan

Wakhtigay ku godantahay

Geesteeda taagnow

U gar gaar ayaantay

Kaaga baahantahay garab

Hana noqon mid gacan adag

Oo xisaabsha giniyada

Ha waydiin xagguu galay

Wixii hawsha guriga ah

Ahoow deeqsi garasha leh

Markii ay gasiin wacan

Farxad kugu gadh qabatee

Ay diifta guud iyo

Kaa reebto gaajada

Ammaan guudka uga tuur

Inay gaari dumar tahay

Oo ay gacan macaantahay

Aayar gooni ugu sheeg

Goortii uu ka dhaco qalad

Aadamaa gaf loo yehee

Ahaw ruux garowsho leh

Farxaddaa ka guuriye

Ha ku noqonin geed geed

Qalbigiisu garas yahay

Gacal bay ka dhalatee

Hadday guurti kuu iman

Yaanay mudannin gogol xumo

Gobannimo u sooryee

Axmed Shilke