Jawaab iyo fal celin nagama soo bixin aniga iyo hudaba waxa aan mar kale ku ceshay aabbo siday wax u jiraan maxaase dhacay wax noo sheeg. Hibo waxay noogu fal celisay heestii ahayd:-
Caashaqu wadaad ma leh
Aamina Cabdullaahi xirsi
Weligeed aduunyada
Wakhtigaa qof saacida
Midna waayahaa xidha
Labadaase waxaan ahayn
Horaa looga waayee
Waa nin iyo waagii
Aniguna wixiisiga
Waxaan wiida la hayaa
Iigu wacan waxyeellada
Webibayla sara kacay
Caashaqu wadaad ma leh
Walaalowna kuma hadho
Waanwaanna kala tage
Waxba hay dabiibina
Wadka aan is aragnee.
Webi bayla saratagay
Waddadiina ka ambaday
Sidi weel dalooshamay
Biyo looga webiyaa
Waanadu i dhaaftaa
Culimada wanaagsani
Cammo iyo watiin iyo
Waduxaa’i oo idil
Hadday igu wareejaan
Walbahaarku ima dhibo
Caashaqu wadaad ma leh
Walaahawna kuma hadho
Waanwaanna kala tage
Waxba hay dabiibina
Wadka aan is aragnee.
Hibo:- Horta aabbo naftayda iyo nafihiinaba kuma eedaynayo guuldarrada aan kala kulmay nolashayda wax walba waa qoraal iyo qaddar Alle Aabbo
Ogowna Aabbo qadar walba wado uu ku socdo ayuu leeyahay u fiirso Aabbo fatahaadaha webiyada iyo baduhu waxay ka bilaabmaan dhibic yar oo biyo ah ilaa ay ka noqdaan wax aan la xakamayn karayn. Dhibicdaas ay ka billaabmeen laguma eedeeyo fatahaadaha dhacay se waxaa loo qaadaa in ay tahay qaddar iyo qoraal Alle Aabbo
Aabbo waad ka qanci kartaa qof kugu waynaa oo dunida kugu cidleeyay. Waad ka samri kartaa qof aad nolosha wadaagteen oo aad haddana is fahmi waydeen, se Aabbo xasuus ka xuni ma jirto qof aad jeclayd oo ku lugooyay ama nolasha kugu cidleeyay si kas ah weliba Aabbo.
Waxaa Aabbo ii caddaatay odhaahdii ahayd:
“Qof uu doono ha ahaadee, ha siin qiimo ka sarreeya qiimihiisa waayo hadhkaaduba gudcurkuu kaa gabbadaa Aabbo”. Waxaan Hibo is xog iyo xaal waraysanaba waxay hadalkii noogu soo gabagabaysay:-
Aabbo weligaa qof ha ku kalsoonaan, maxaayeelay kalsoonidu haddii ay baaba’do ogow Aabbo qalbigaaguna in uu burburayo.