Maandeeq Gabay

 Cabdulaahi suldan tima cade

MAANDEEQ

  • Gabay tiriyey cabdulaahi suldan tima-cade
  • Gumaysigu hashuu naga dhacay een gurayay raadkeeda
  • Guyaal iyo guyaal badan hashii hama’a noo diiday
  • Goobtay istaagtaba hashaan joognay garabkeeda
  • Guura habenimo hashan gabi walba ujiidhay
  • Waxaan soo guleyahaba hashaan rag is ku soo gaarnay
  • Gaashaan dhigeedii hashuu galowgu eedaamay
  • Hashii geedankeedii rag badan goodku casheeyey
  • Hashaan labada gaal ee is barkani gedh u dirireysay
  • Gacmaa lagu maquunshee xornimo nooma ay garane
  • Allaa noo gargaaree marku shicibku guulaystay
  • Geeraaradeedii hashaan anigu googooyey
  • Galoolkiyo maraagiyo hashaan kidiga geylaanshay
  • Gaajiyo haraad badan hashaan ugu garaacaayey
  • Goortuu sidkeedii go’ay eey galabii fool qaaday
  • Iyadoo candhada giijisey oo godol ku siidaysay
  • Garaad nimaan lahayn bay la tahay waad ka gaagixine
  • Annagoon gantaalada dhiciyo heysan qori gaaban
  • Hashaan gaada weynioww libaax uga gaboon waayey
  • Inaan goraya cowl uga tagaa waa wax soo gudhaye