SAHAY QAADO GABAY

 

Ismaaciil Maxamed Cali

Sahay qaado ruuxow adduun saami noqon waaye

Inkastoo saqaafiyo nafluhu socod ku taamaaba

Inkastuu sareedada adduun saaca ku jiraaba

Inkastuu saxiyo caafimaad kugu salaamaaba

Inkastuu sacaadiyo ladnaan sabo ku jiifaaba

Inkastuu sabaan iyo dharaar sado ku joogaaba

Inkastuu nabaadiino sugan samo ku gaadhaaba

Naftuunbaa mar laga siibayaa saacad ay noqone

Wakhtiguusu ruux uu sargo’ay ruux ma saacido’e

Ma sasabo qof geerida ninkay ajashu saaqdaaye

sinkin lama dib dhigo ruux haddii uu sadkii go’a’e

Seeftaa guddoontoo illeen saayiraad ma lehe

Sahay qaado ruuxyahaw adduun saami noqon waaye…