Ma ogtahay hooyo:-
Murugada iyo kalinimada ay inantaadu ka dareemayso dhankaaga markaad ku tuurto meel aadan u sahamin gabadhaada.
Hooyo ma la socotaa in ay tahay maalinta guurka inantaadu gaadho in ay kaaga baahan tahay garab iyo gacan waalidnimo.
Ogow iyadu may garan waayin in ay ku kacdo falkay doonto se waxay dhawraysaa sharafta iyo sumcadda reerkooda oo aad adi iyo aabbeheed ka kaw tihiin Allaha ku dhawree Hooyo dhawr xuquuqda iyo rabitaanka ubadkaada.
Maanso
Gob-baadh 5/3/2008
Guuleed {Geesdiir}
Aadmiga goor iyo ayaanba
Gorgortan weyn baa dhexyaalla
Sheekada goofaadhigooda
Markay cidba goonideeda
Amaanta u goosanayso
Dooddiyo goosgoosyadeeda
Magaca loo wada gucleeyo
Markii lala tago garoonka
Anaa gob ah iyo anaa ah
Goor walba waa lagu murmaaye
Labada goolaaftamaysa
Markay tahay kala gurkooda
Dadnimo loo soo geyoodo
Qofkii dhaqankeeda goosta
Sifaha lagu garan karaayo
Haddaan galo oon tilmaamyo
Markuu gacal wada hadlaayo
Waatii gobi kala xidhoodka
Iyadoon ka tagayn gediisa
Haddana talo wada gorfaysa
Gabdhaha iyo wiilashooda
Waatii isku guurintooda
Khilaaf iyo gooh ka dhawrta
Doonista iyo gogoldhiggeeda
Iyadoo laba gees u taagan
Haddana guud ahaan midaysan
Waatii gacallow tidhaahda
Geesigii hebel baad wadnaaye
Gabadha ina hebel na siiya
Waatii guntin iyo gabbaati
Amaa guunyada dhextaalla
Isgaadhsiisee asluubta
Ilaalisa ee guddoonka
Farxadda gebi marag u yeesha
Dabeed gebobgebo dareenka
Waatii isku siisa goobta
Duciyo gacan qaad wanaagsan
Lammanaha guri dhiskooda
Xilliga socda iyo giraanta
Tirada gudubtiyo hadhaaga
Waxay soo raad guraanba
Wakhtiga inaa loo godeeyo
Amaa loo sacab garaaco
Goorteed iyo kheyr ahaaday
Waatii galbisee ku hoysa
Aroos loo wada golyaayo
Waatii gaafkiyo amaanta
Ciyaartiyo galinadeeda
Iyada oo aan ka gaabin
Waatii gef la’aan u heesta
Weliba waan gurguuranaaya
Sadqada gawraca tidhaahda
Markay golxadkii marshaana
Mashxarad googoysa fiican
…