Suugaanta jacaylka iyo maanta oo Arbaco ah, waxaad maalin kasta oo Arbaco ah nooga barateen murtida iyo maansooyinka hal-abuurka. Waa bahda Dhugasho oo idin leh Akhris wanaagsan.
Waa maanso jacayl ah murtidii Axmed Xasan Xuseen (Axmed Shilke)
Boqol jeer ku maamuusay
Ku mintiday jacaylkaaga
Milgahaaga qiimeeyay
Ku matalay adduunkayga
Kor u qaaday magacaaga
Miisaamay sharaftaada
Marlay dumar intaa joogta
Kaligaa ku maan raacay
Milicsaday hannaankaaga
Ashqaraaray muuqaaga
Ku mashquulay quruxdaada
Muxibbooday araggaaga
Murug galay la’aantaada
Abaarsaday Maqnaantaada
Maarmi waayay kalidayda
Maalinteenna sugi waayay
Mahadhada dareenkaaga
Igu maran xasuustaadu
Milyam jeer anoo xiisay
Kugu sooray maankayga
Ma huraanka noloshayda
Ma dhaafaanka dookhayga
Miyirkood u tahay daawo
Ku midownay gacaltooyo
Macaansaday odhaahdaada
Kalmaddaada meeleeyay
Aawadaa u maansooday
Kugu sooray midhahaygan
Dhirta oo mankii fuulay
Geedohoo magool yeeshay
Hoobaanta midabkeeda
Ku mataalay jaahaaga
Ku maqsuuday kulankaaga
Muraaqooday garabkayga
Kolkaad joogto midigtayda
Innagoo is maanweelin
Muftaaxii kalgacalkeenna
Iyo ubaxa muuqiisu
Yahay midabka dhiiggayga
Mulki weeye kuu gaara
Ka masaxay quluubtayda
Midh kastoo namiimkeenu
Igu dhaho maqnaantaada
Marka aadan ila joogin
Adiguna marwooy heedhe
Kalsoonida ha maandhaafin
Inta aad masayr qaaddo
Maandheey ha fududaanin
Marinnada darbigan teedsan
Muska yaal dhex dhabeheenna
Waayahan is daba meeri
Yaanay maydhin samirkaaga
Farxad muuji noloshaada
Maanka ooy ku taal boogi
Dhoollaha caddee muuqa
Hana jabinin mooraalka
Haddii aan midkeen duunka
Laga waayin muuqiisa
Ama calaf na kala moosin
Barri weeye meherkeenu.