Mar kale doob iyo gashaanti
Dunida guudkeeda jooga
Waa tii is gayaansi gooda
Markay tahay aqal galkooda
Si ay u gutaan xilkooda
Tilmaan iyo garab ku siiya
Guhaad iyo ceeb ka dhawra
Nolasha adag iyo gasaangas
Si ay ugu diido gaajo
Waa tii goor iyo ayaanba
Gadhoodh iyo caano dhay ah
Murmure subag lagu ganaanay
Intoo loo sudho gadaanka
Waatii gobi siiso maalmo
…
Gorfaynta hoggaaminteeda
Markay tahay garashadeeda
Waatii god dalooladeeda
Ogaatee wada gufaysa
Meelaha laga soo galaayo
Dadkoo wada cuna gasiinka
Col iyo godobina dhex oollin
Safarka iska ganacsanaaya
Guuraha iyo socotadiisa
Jidgooyiyo gaadmadeeda
Midnaba ma kala gayaane
Hadday dhacdana gefkeeda
Waatii qiratee garaadka
Gardaadisa ee caddaysa
Inay gardarrada dawayso
Duqay gadh wadiyo wadaaddo
Aqoon ku gadaaman haysa
Ayaa gudbin kara wanaage
Gar iyo is hor fadhiisigeedu
Markay guddi xulasho joogto
Waatii runta gobi ka sheegto
Abaal loo galay taqaano
Waatii gu’dis iyo ogaale
…
Geyiga oo wada abaar ah
Daruur biyo galisay ciidda
Geesteeda hadday ka hoorto
Waatii gobi lala wadaago
Gadood iyo aanadiisa
Intayn kala gurasho gaadhin
Guuxguuxiyo bala alooska
Waatii gobi wada bakhtiisa
…
Intayn guunyadu aroorin
Guduudkiyo waa dhawaadka
Gorofka ceelalyada la roortay
Waatii dixda goof ku yaalla
Salaadda ilaa gadiidka
Dhexdooda ku gabagabaysa
Gacanka madaxana wadaagta
Dantiyo guurguuristeeda
Markay tahay goobisteeda
Gaadiid waa lama huraane
Talada gurgurshaaga joogta
Waxaa gobta caadadeeda
Inay isku wada gargaarto
Geeddiga isasiiso awrka
Martida goleheeda joogta
Waataan gabinee bartiisa
Mar walba gaawaha hogaysa
Xoolaha godladay ku maasha
Waatii gudhan iyo irmaanka
Meel baad iyo biyaleh gaysa
Habeen gudcuriyo dharaarba
Waatii gobi feejignaata
Waatii guud ahaan xaqeeda
Gaashaan iyo waran ku eegta
Xaaraanna ka gaws xidhnaata
Xilliga ay gallad haleesho
Nimcaday ku gaalaa baxayso
Inuu u gadhoodhshay Eebbe
Waatii iyadoo garawsan
Guullaw mahaddaa tidhaahda
Geerida wakhtigeed aqoonsan
Cudur gabaw iyo dhibaato
Midnaba iyadoon ka guuxin
Waatii gobi amarka Eebbe
Guddoonsata een ka roorin
Hadhaw samir gaax ka maasha…