Sheekada Shir khayaano

 

Wax la yidhi, bari baa waxaa wada shiray duurjoogta kuwada nool bay’ada intooda waxgaradka ah. Markaasaa waxaa shirkoodi lagu casuumay oo yimid nooc kasta oo waxyawaan ah.  Shirkoodu wuxuu daaranaa arrimaha khayraadka, gaar ahaan biyaha. Waxyaabaha shirka kallifay ee baahida ah waxaa ka mid ahaa nadaafad la’aan, oo biyihii la wada cabbi jiray xayawaanka qaar ayaa ku dhex kaaja, ku dhex saxarooda, wax ku dhex cuna, markaasay biyihii xumaadeen. Sidaas darteed waxaa laga tashanayay sidii nadaafadda biyaha loogu dadaali lahaa.

Xayawaanka inta hilib cunka ah, ee loo yaqaano ‘dugaag’ ayaa gooni u soo shiray kolkii hore, waxa shirka qabanqaabiyayna iyagay ahaayeen, waxayna isla soo meel dhigeen in nimanka kibray ee Yaxaasyada ah ee biyaha uun dabada kula jira, in ay wax la cunaan. Waa niman dhargay, oo nafleydii oo dhan ku xidhan tahay, wixii biyaha soo istaaga iyaga unbaa ka faa’idaysta ee maanta qorshihii lagu khayaani lahaa aynu diyaarino maaddaama nadaafadda biyaha laga shirayo.

 Shirkii baa billawday, libaax waa shir-guddoon, wuxuu soo jeediyay, arrin muhiim ah, wuxuu yidhi, duurjoogta mid baan leeyahay, yasaasyadana mid baan iyagan u soo jeedinayaa:- Duurjoogta, waxaan u soo jeedinayaa, biyaha ha la cabbo balse yaan badhtanka loo galin, Yaxaasyadana waxaan u soo jeedinayaa, annaga duurjoogta ah, waan iska ilaalinaynaa biyahana nijaasada waan ka ilaalinaynaa, ciddii aad ku aragto in ay biyaha si xun u istimaalaysana, macal aniga igu dar oo waad ka qaban biyaha oo waad dili, balse adiguna yaxaasow biyaha nadaafaddooda ilaaliyoo, wixii aad dishaa banaanka kore iska soo dhig oo meel biyaha ka fog ku cun waxaad dilooto, oo jooji biyaha aad wax ku dhex cunayso, kalluunka xitaa bannaanka ula soo bax. Kollaba niman kibray baa tihiine, sidaas ma yeesheen?

Waftidii yaxaasyada ahaa, arrintaas iyaga oo aan cawaaqibkeeda ka fikirin ayay wada qaateen, wixii maalintaas ka dambeeyay, illaa maantana waxay diloodaan banaanka ayay soo dhigaan, inta badana waxaa ka qaata xayawaanka kale ee dugaagga la yidhaahdo, ee uu libaaxu ka mid yahay. Duurjoogtina ballantoodi ahayd in ay biyaha nadaafadooda ilaaliyaan way beeniyeen, oo doofaar oo ugu nijaaso badan ayaa ku dhex galgasha biyuhuu arkaba, meeshaas waxaad ka garan kartaan, in shirkaasu mid khiyaamo oo kaliya ahaa, oo mid biyaha qaddiyaddooda lagaga hadlayo uusan ahayn.

Sidaa darteed, haddaad maqashaan shir dib u heshiisiineed baa meel ka dhacay, oo haddana dadkii la heshiisiinayay baa bil ka dib isku baaba’ay waxaad meeshaas ka fahmi kartaa in dadkii wax abaabulayay ee wax baan xalkeenaynaa ku hayay in ay dano hooda gaarka ah u ordayeene aysan wax dhab ka shaqaynayn.

 

Qore: Af-guun