Cabdi gorod

 

Gabaygan waxaa tirin jiray Allaha u raxmee gabyaagii Soomaaligalbeed ee la odhan jiray Cabdi gorod.

   • Qamaan iyo Ismaacill Mire iyo, Qawdhan iyo Saahid

•Qudhii Maxamed qawlkii Salaan, qodobyadii Raage

•Qarnigii horeetaan ka hadhay, qoonkii gabaygiiye

•Qabri baanan gaadhine adduun, qaatay calafkay e

 

•Qorraxdii gudeysaan qabsaday, Qaahiraan tagaye

•Qalin iyo waraaq baan sitoo, qaaradaan maraye

•Wax i qaaday mooyeen cirkaan, qadaw ka laacaaye

 

•Qudha Adari quruxdii Jigjiga, Qaali iyo Faafan

•Qawyaha Nogbeed iyo Wardheer, qaalinimadeeda

•Qabridaharre iyo Dhoobo-Weyn, qadadi noo tiilley

•Qoorriga Suweys kama xumayn, qoodhay xeradeeye

 

•Lagase qaaday qoonkii lahaa, taniyo Qaabiile

•Ogaadeenkan qaxay jeer damboo, qaybta laga daayo

•Oo qoriga laysla hor fadhiyo, qolo ku faa’iiddo

•Qarxin maayo gabaygaan hayee, hayska qamardaaddo

 

Xigasho: http://www.doollo.com