Axmed nuur Cabdullaahi Muxumed (Fanka) 

Axmed Nuur Cabdullaahi (Fanka)

Waa wiil maaxig ah, hal-abuur ah, arday firfircoon, waana macallin nolaleed oo laga baran karo waxyaabo ku saabsan arrimaha nolasha. Waxaan ka qoray dhawr xikmadood oo aan la cajabay. Isma laha da’diisa iyo murtida maskaxdiisa ka soo maaxanaysa. Hadda ka horna qisooyinkiisa nolaleed waxaan ku soo bandhignay Dhugasho.

Inaan hadlo inaan aamusnaadaan ka jeclahay

Inaan aamusnaado inaan wax akhriyaan ka jeclahay

Inaan wax akhriyana inaan wax qoraan ka jeclahay

Inaan wax qoro inaan ogaadaan ka jeclahay

Inaan wax ogaado inaan wax baadhaan ka jecelahay

Inaan wax baadho inaan wax hubsadaan ka jeclahay

Sababtoo ah hubsiimo hal baa la siistaa

—Fursad kasta caqabad baa ka ag dhaw. Sidaa darteed, la iskuma hallayn karo surun bannaan oo maritaankiisa cid walba isha ku hayso.

—Haddii ay baahida iyo lacagta baahidu ka xoog badnaato lacagtu meel ay ka dustay lama arkayo, haddii ay lacagtu xoog badnaatana baahidu meella ma aadayso.

—Jacaylka billaddiisa goor maan heli doonaa, maadaama oo ay Kalsooni badan ku qabo…