Xashaalillee xaal adduun waa xujiyo yaab weeye
Xamxam iyo xidaaraysi iyo xan iyo ceebtaada
Aadmiga xurmada loo unkaday ee xaadir kula jooga
Iga xulo xisaab aad degtiyo xeelad kale weeye
Anigaa xilqada oogu mudan xaasidnimo weeye
…
Xubi iyo xabiibtiyo jacayl xiisad qudha weeye
Xigmad iyo xaqiiq laysku daray xaaja adag weeye
Nin xumaanta keydsaday Iblays xulufadii weeye
Xaglo laaban oon xoogsanayn xeedha madhan weeye
…
Xisbigii adduunkoo dhan iyo diintu xadhig weeye
Xaqa iyo xadiis iyo qur’aan xulashadii weeye
Aadamaha xil lagu aaminiyo xeer matali weeye
…
Dhinacyada kuwaa xiirtay ee foodda xanankaale
Iyo xaaji biidaar leh oo koofi xidhanaaya
Sida uu xawaaraha wakhtigu kugu xambaaraayo
Odayaasha xaalxaalliga ah waa xarraga doone
Af-guun