Si kasta oo ay duruufuhu u adkaayeen xaalad kasta oo ay soo martay waxay noqotay qayb ka mid ah nolasheeda. Waa run dhib kasta cashar baa laga bartaa se xashar kasta kuma baro dhib kastoo dhacaya.
Aqliga iyo garashada saxda ahi waxay ku tusaysinayaan hummaad ka duwan kan ay qabaan dadka maan-gaabka ahi. (Talo iskuma kaa sheegto) waxa ii baxay in waalidku yahay jidka ubadku u sii maro mustaqbalka wanaagsan taas oo keenta nolol wanaag iyo barwaaqo sooran ah.
Maanta waa maalin barrina waa maalin kale sidaas si la mid ah ayay isku baddashaa marxaladda nolashu ta kaliyee lagaga bixi karaana waa wada jirka iyo isku duubnaanta lammaanaha iyadoo ay horseed ka tahay isku qanacsanaanta lammaanaha.
Quruxda qoyska wanaagsan waa xulashada qofba uu rabo iyo in loo daayo rabitaankiisa mustaqbaleed.
Waa maxay Jacayl?
Jacaylku waa dareen mideeya laba qalbi oo is doonaya, Jacaylku waa is tixgalin, is tabis iyo isku tiirsanaan. Jacaylku waa is weheshi, iska war hayn, iska welwelid iyo in la wadaago dhib iyo dheef kii markaas taagan.
Dadka is jecel isma dhayalsadaan, iskuma dheeldheelaan, digasho iyo wiirsina warkeeda daa. Dadka is jecel way iska farxiyaan, ee iskama nixiyaan, way is dugsadaan ee isma dayrshaan, way isku hiloobaan ee iska hilmaamaan, way is qaddariyaane isma quudhsadaan, naftay isku huraan, niyaddana way isku dhisaan.
Dadka is jecel waa isku riyo waa isku rajo, raalli bayna iskaga yihiin raaxada iyo rafaadkaba. Dadka is jecel waxay ka siman yihiin doonidda, damaca iyo darajada qoysnimo.
Dadka is jecel waxay ka midaysan yihiin hanka, hammiga iyo halbeegga nolasha. Markay kala maqan yihiin qalbigay ka midaysan yihiin, way isku dhaataan, way is dhiirrigaliyaan, way is dhagaystaan, way is dhawrtaan dhibna hadalkeeda daa. Wad kala dhaqaajiya mooyaane wax kale ma kala geeyaan.
“Waan ku jeclahay” Dhegta waa u hadal, qalbigana waa u dhaarm oo waxay uga dhigan tahay aan is hanano, aan isku kaa halleeyo, aan isku soo hirano, ila hawlgal, nafta ii hur, ii hiili, adaan heegan kuu ahaye, hoo kalsoonidaydii si kal iyo laab ah.
Dhamaad