Maan bilaal

Bari hare ayaa waxaa jiray qoys ganacsato ah, oo si wada jir ah u wada noolaa, wuxuuna qoysku ka koobnaa nin, xaaskiisa iyo carruurtooda. Qoysku aad ayay nolashooda ugu raaxaysan jireen. Waxay lahaayeen digaagad qurux badan, oo mucjiso ah, maalin kasta digaagtu waxay dhali jirtay, ukun dahabi ah oo ay lacag badan ka heli jireen, laakiin ninku kuma uusan qanacsanayn, halka ukun ee uu maalin kasta helayay. Waxaa uu rabay in uu ukumaha oo dhan mar qudha ka wada helo digaagadda. Wuxuu ku fikiray siday arrintaasi u dhici lahayd, isla markiiba wuxuu ku fikiray inuu digaagadda qalo si uu ukumaha dahabiga ah oo wada jira mar qudha u helo. Digaagaddii ayu soo qabtay qoorta ayuu ka jaray, wuu dooxay, wax ukun ahna wuu ka waayay, sidaas ayuuna ku muraaradillaacay. Reerkiina wuxuu u horseeday fakhri aan lagu xisaabtamin.