Iga roone

Aabwaan Qamaan Bulxan oo mar safar ku jooga Harar ayaa wuxuu arkay xerooyin lagu hayo xayawaano kala duwan oo la yidhi, waxaa iska leh Allaha u raxmee boqor Lij Iyaasu boqorkii Muslimka ahaa ee Harar lagu dilay. Xayawaanka xeryaha ku xaraysan waxaa ka mid ahaa, Libaaxyo, Dhurwaayo, Masas iwm. Qamaan wuxuu la yaabay libaax la soo qabtay, oo meel lagu hayo, oo la daawanayo iyo niman intay masas tunka saartaan ciyaaro kala duwan ku soo bandhigaya meesha, wuxuuna ka tiriyay gabaygan:-

Xiddigaha ninkii kala yaqaan iga xisaab roone

Nin xeraystay geel xero ka badan iga xoolo iga roone

Ninka xarafka xaashida ku dhigi iga xudduud roone

Maskoo xiimi xoodhiga nin qaban iga xiniin roone

Xabbad qabata mooyee libaax meel xarshina jiifa

War aarkaa nin xoodaamiyaa xeelad iga roone