Akhristayaasha ixtiraamka mudanow, annaga oo ah bahda bogga Dhugasho, oo isku duuban waxaan idiinka mahadcelinaynaa sida joogtada ah ee aad ugu xidhan tihiin golahan. Waxaan idiin haynaa qaddarin aan la soo koobi karayn. Intaas ka dib, sida aad la socoteenba waxaa inoo dhamaatay sheekadii taxanaha ahayd ee ‘Hir-jacayl’ ee qoraageedu ahaa Cabdiraxmaan Geesdiir Maano. Waxaa inoo billaaban doonta, sheeko aan annaguba sugi la’nahay, waa sheeko aad u xiisa badan oo aad nala akhrin doontaan, waa sheeko ka dhex curatay qalbiyo curdan ah, oo is caashaqay. Sheekada ka billaaban doonta ‘Private-ka’ kuna dhammaan doonta ‘Baddaha’. Sheekada “Damaq iyo dareen” Waad u qalantaan in sheekadaas oo kale la idinla wadaago, waxayna dib u fufin doontaa muluf jacayl oo waayo hore baaliyay, sheekadan waxay boodhka ka jafi doontaa xasuuso laga yaabo in la soo wada maray, waayo waayo. Waxaan sheekada si degdeg ah ugu xigsiinay sheekadii dhamaatay oo hore, waxaana haddaba billaabaynaa qaybteedii koobaad akhris wacan oo wanaagsan. Waad mahadsantihiin:
Qaybta koobaad ee sheekada Damaq iyo dareen.
Gabadh qurux badan oo aqoon iyo caqli mawluhu ku galladay ayaad tahay. Sidiii ubaxa dayreed inan u eg dhalaalka iyo udugga ayaa tahay. Waa waxa aad tahay asluub iyo xishood nool. Waa weedhaha badanaa ay dadku igu sifeeyaan. Ma garanayo inay ammaan iyo kalgacayl la ii hayo ka tahay in in kale, balse waxa aan hubaa inaan midab cas leeyahay, degganaan iyo akhlaaqna waalidkey igu soo barbaarsheen. Hadda uun baan ka baxay marxaladdii foodley nimada iyo waayihii carruurnimada.
Sidii hore uma qalqaallisani oo aniga oo is dajinaya, xishood badannna dareemaya unbaan arkaa. Ma caqligaa ii koray mise ciyaarihii ciyaalnimo baan ka xiisa go’ay? bal adba? waxaa hana qaad ah billawgii wakhtigaygii gabadhnimo, sida oo kale waxaa hor leh rejooyinkii ugu horreeyay oo albaabadoodii ii furmeen.
Waxa aan ahay ardayad dugsiga dhexe ee fasalkiisa 8aad dhigata. Walow waayaha adduunku weli i gebawarin, haddana waxaan ahay abaabule himilo iyo hiigsi mustaqbal kalsooni ku dhisan daahfuraysa. Goortii Alle keenaba, hummaag nolaleed qurux badan baan sawiristiisa nashqadaysaa. Ma hammi yari mana hawl yari! Waxbarashada iskuulka iyo maddarada aan Qur’aanka Alle ka barto, waxaa ii dheer goob kale oon luuqadda Ingiriiska ka barto.
Waxa aan ahay curad reer u weyn. Ubixii ugu horreeyay ee hooyaday iyo aabbahay dhexdooda ka baxa ayuu Alle iga dhigay. Waxa aan noqday guntintii xadhkihii xidhiidhkii waalidkay sii xoojisay. Ma garan karo inta ay le’egtahay farxadda ay dhalashadaydii ku heleen, balse waxa aan hubaa intii aan ifka imid in aanan weli murugo, ciil, canaan iyo canaad midna kala kulmin waaliddiintay.
Mar walba waa kuwo ii qosla, i koolkoolliya, oo i dareensiiya kalgacayl. waxa aan noqday ubax xareed dhexyaala. Intii aan soo noolaa habeen hagardaamo nolasha ah kuma arag. Kibiraaniyad cawaandiyad ah oon waayin wixii ay qalbiga ku qabato ayaan noqday. Gabadh nolasha qoyskooda baal dahab ah kala jirta baan noqday. Marka laga soo tago asxaabtayda, waxa aan saaxiibbo dhaw noqonay buugga iyo qalinka. Waxa ii furan oomateedka waxbarashada. Waxa aan ahay gabadh dhiirran oo rabta in ay heer ka gaadho waxbarashada iyo aqoonta dunida.
Jadwal maalmeed baa guriga iigu dhaggan. Wakhtigu si fiican buu iigu kala qorshaysan yahay. Maalini maalin iigama gadmato. Subixii marka aan kaco cadayasho, fooldhaqasho iyo qureec kadib waxa aan aadaa iskuulka. Duhur ku dhawaadka kolkaan ka soo laabtana, waxa aan isu diyaariyaa salaaddii duhur iyo qado. Intaas ka dib, waxa aan tagaa maddarasadii Qur’aanka. Si gaar ah baan madarasada u sii xiiseeyaa. Macallin cod macaan oo dhagahaada ugu raaxeeya hadalka Alle ee wanaagsan baa igaga horreeya. Inta aan maddarasada joogo ilbiriqsi iigama duwano. Waayo Qur’aanka ayaa ii ah ahmiyadda koobaad ee aan rabo in aan dhammeeyo.
Juz haddaan dhammeeyaba si weyn baa ardayda ugu soo buneeyaa. Salaadda casar ka dib baa maddarasada la naga sii daayaa. Toos aan leexleexasho ku jirin baan xaafaddaanada u imaadaa. Waxa i sugaya Private-kii. Aad uma xiiseeyo in aan wakhtigayga ku baashaalo. Salaadda makhrib wixii ka dambeeya baanu private-ka galnaa. Ardayda oo dhan ma wada gasho salaadda makhrib gadaasheeda ee kaliya kooxdaanada ayaa wakhtigaas gasha fasalka. 6.30 PM ilaa 8:30 PM ayaanu ku jirnaa fasalka.
Gebi weynaga wada go’antahay in aannu afka Ingiriisiga si fiican oo faseex ah u baranno. Naguma jiro qof tiigsada, 2 saacadood een ku dhex qaadano fasalka. Shaqsiyan, saaxiibbo kooban oo ay macallimiintu ku jiraan baan ku leeyahay Private-ka. Ixtiraam iyo kalgacayl ay ii muujiyaan asxaabtayda private-ku ayaan dareemayaa. Si weyn baa la iiga citiqaadiyaa Private-ka gudihiisa.
Haddaba, qisadaydu waxa ay ka billaabanaysaa Private-ka, waxa ayna ku dhammaanaysaa badda!.