Kulligiinba soomaaliyey hadalki oo kooban
Koran buubi iyo qaalimaad karinle mooddeene
War bal kow dheh faallada hub baad kuray u dhiibteene
Afartaa kabaalkaw dhid baye waxaan ku koomaalay
…
Kubka wuu ka naaftaa addoon kibir lug gooyaaye
Kataan lagu khasaaraa jirtiyo kibis la eedaaye
Anba keli ahaantay kolkaan furay kataantayda
Kalxan aadmi oo dharagtay baan kaadso garanayne
Kolkay qooqday soomaalidii koran dhallaanowday
Kurkure iyo kanaafyaa qabsaday oo kurkaa xidhane
Kubbad lagu ciyaaray u tahay kooxo faraweyne
Kolkay goolka kurahaw tagtana koone lagu laadye
Kumaa badin kanaan degay khamaar laysku kaba beelye
Kilaasyuukuhuu soo kawira kaamil baa jaraye
Kadiyana kolkuu raani degay baashe lagu kiilye
Kaafina kolkiisii wuxuu kurubka dhaafaaba
Rag baa kaararkiisii ku cunay bii karaawila’e
Kasna taladi eeddaye kolkuu kaalin sare gaadhay
Kor intuu idiin wadi lahaa bayl idiin kariye
Dalkii kobacsanaa jeer dhawayd kira gab weeyaane
Kambadhuudhsay awrkaad lahayd wuu kabtiyayaaye
Kax bannaan hayaankii la taag iyo kaliil dheere
Sidigtii karood baa ku dhacay kuruska weynayde