Beenaale lama aamino

Waxaa la yidhi, wiil yar oo adhi jir ah, baa maalin maalmaha ka mid ah, adhigii wuxuu ku raacay meel cabsi ah, oo buur hawd ah agteeda ah. Buurta waxaa u dhaw tuulo yar oo ay dad ku noolaayeen. wiilkii baa isaga oo maalin adhigii la jooga buurta agteeda, ayaa aad u cabsaday, maaddaama ay buurtu ahayd meel dhir badan oo libaax iyo yay iyo dugaag badan ku noolaayeen. Wiilkii markay cabsidii ka tan badatay, wuxuu is yidhi, aad dadka tuulada jooga qaylo been ah u dirtid si ay kuugu imaadaan oo ay kuula yar joogaan. Wiilkii ayaa ku dhawaaqay, Libaaxa, Libaaxa, Libaaxa… igu soo orday iwm. Dadkii tuulada joogay oo dhan baa ku soo yaacay, markay u imaadeen wuu iska qoslay, waxayna garteen in uu iska yeelyeelayo. Dadkii tuuladii bay iskaga noqdeen. Haddana maalin kale ayuu ku qaylyay, Yayda, Yayda, Yayda, igu soo Orda. Markii qayladiisa lala yaabay ayaa haddana loo yimid, haddana waxaa la arkay iskaga oo been sheegaya, way iska laabteen dadkii. Maalintii seddexaad, ayaa waxaa ku soo baxay Libaaxii qummanaa, markaasuu qaylyay, oo qaylyay, oo si run ah ugu dhawaaqay, Libaaxa, Libaaxa, Libaaxa, UU UU UUU. Balse wax u imaado ayuu waayay, sababtoo ah dadkii waxay uga barteen been inuu ku qaylyo maalin kasta, nasiib xumase maalintaas run ayuu sheegayaa balse, waxaa lagu maahmaahay; “Beentaada hore, runtaada dambe ayay u daran tahay”. Libaaxii markuu adhigii dhammeeyay, ayuu wiilkii oo kaligii ah tuuladii yimid; Wuxuuna dadkii ku canaantay, maxaad iigu iman waydeen maanta run baan sheegayaye; Markaasuu nin caqli badan oo oday ah wiilkii ugu jawaabay: 

“Beenaale hadduu xitaa run sheegayo lama rumaysan karo”