Wax la yidhi, Allaha u raxmee, Shariif Mahdi Shariif Maxamed oo ku magac dheeraa (Shariif Laate) iyo Sheekh Bashiir sheekh Axmed Nuuradiin, waxay ahaayeen laba nin oo ilma abti ah, laba nin oo caaqiliin ah, laba nin oo abwaaniin ah, laba nin oo cilmi diineed leh, maaddaama ay ka soo jeedeen qoy xer diineed ah, oo diinta dariiqo u ah. SHeekh Bashiir iyo Shariif Mahdi, waxay ahaayeen laba nin oo aad isku jecel aadna isku xifaaleeya. Waxaa la yidhi, waxay isku bixiyeen laba naanaysood oo qosol ah, (Laate iyo Cusa) waa labadii sanam ee qureesh caabudi jirtay intaan Nabi Muxamed (scw) loo soo dirin. Sheekh Bashiir wuxuu Laate u bixiyay shariif mahdi, sidoo kale Shariif mahdi wuxuu Cuse ku dhihi jiray Sheekh Bashiir. Labadoodaba Allaha u raxmee, magacyadii naanaysta, waxaa taariikhda u galay midkii shariifka, oo Ilaa maanta waxaa loo yaqaanaa (Shariif Laate). Taariikhdaa hor dhaca ah, ka sokow maanta waxaan soo qaadanaynaa gabay xikmad badan oo kooban, oo uu shariikh Mahdi shariif maxamed (Shariif Laate) ka tiriyay, arrin isaga qabsatay intii uu Joogay dunida. Gabayga wuxuu ku xusayaa Sheekh Bashiir, sida aad ka dareemi kartana, wuxuu ugu xusay in ay qummanaan lahayd in ay is garabsadaan, wuxuu yidhi:-
Abtirsiinyadaa riixan baa lay rikaabsadaye
Waxa aniga lay reebayaa reer kalaa tahaye
Runse hadii aan doonayno oon la is ramiimaynin
Rayax haduusan jirin waanigii ruumadkii galaye
Iyagoo rakaalkii sitiyo Ruushka qalabkiisi
Ragaad iyo Jabhadihii ninkii soo raraan ahaye
Birmadkaan ku ruux go’ay markaan raacdadii dhaliyay
Rajo halkaan ka dhawraayay baa hoos la ii ridaye
Geelaan riddada loogu jirin een rag lihi haysan
Hadba dararka sida looga rogi uunka kala raacye
Ritiga baadida ah geeljiruru ruugga ka uleeye
Nin shisheeye raacoo dhan baa qaba rafaadkaase
Ogaadeen in uu raasgas helay raadiyuhu sheegye
Reeraha nin baan tuhunsanaa raasna ii xigaye
Ra’yi ba’e Bashiir baan lahaa waa rafiiq adage
Isaguna raqdaydii ma odhan ruuxan yaa dilaye
Rabbi hiilki mooyeen ma jiro cid aan u rooraaye.