Qormadan waxay ku saabsantahay, waalidka iyo walaalaha oo loo yeesho xiiso gaar ah. Waalidku kuma cusba carruurta, carruurtuna waxay inta badan dunida ugu horbadrtaan hooyada iyo aabbaha. Waxay u baahan yihiin in jacaylka ehelka lagu sii barbaariyo, oo lagu sii wayneeyo. Sidaasna waxay ku xidhan tahay hadba sida uu waalidku u barbaariyo ilmaha sii hooyada, laga billaabo marka ay uurka ku siddo ilaa ay waynaadaan.
Ka dhaadhici ilmaha in ay leeyihiin walaal (Soomaaliyeed) iyo waalid, xasuusi in waaliddiintiisa ay ka mid yihiin Madaxda dalka iyo macallimiinta iyo waliba waddanka. Xasuusi in dadka isaga ka wayn oo dhan uu waalid ahaan u xurmeeyo, inta isaga ka yarna uu yaraantooda ku xushmeeyo, xurmana uu ku leeyahay.
Waxaa jira cudurro (Erayo xun) oo bulshaawi ah, oo ay carruurtu ka bartaan dariska, cudurradaasi waxay u badan yihiin waalid iyo walaal cay iyo nacladda iyo diin cayga, waxyaabahaas oo aanan halkaan tusaale ahaan xitaa ugu soo qaadan karin.
Carruurtu, sida badan, erayadaas iyo kuwo la mid ah ama ka xun ayay dhaxdooda isku caayaan ama ku hadaaqaan, haddaba waxaa inagu waajib ah in ilmaha carrabkooda wanaag lagu beero lagana xadido waxyaaba xun xun ee ceedada ay ka dhigana la baro in uu xun yahay.
Xasuusi, hooyada, aabbaha, walaasha iyo walaalka ay caayayaan in ay yihiin waalidkood iyo walaalahood. Dariskuna waa wax muhiim ah uga sheekee daris wanaagga, xaqa dariska iyo sida dadka dariska ahi isku kaalmeeyaan.