Ganku raallimaahiyo markaad gawska qabataaye
Galgalmaysigii baa hurdada gama’ la diidaaye
Adigoo galgalanaaya baad gaydh ku baridyaaye
Goobey madaw iyo jidhkaa gamas la saaraaye
Galgalluubna waa loo baxaa gooni kaligaaye
Ninki kuu garaabiyo ninkii kugu guhaadaaba
Inaad goradda laalaadsatiyo gocosha ciil baa leh
Hadi xaaja geed loo hadhsado garasho weeyaane
Guubaabo iyo waa inay garab mudnaataaye
Waa gacal la’aan maalintay gabi dhaclaysaaye,
Hadi gabadh la maamuuso oy guur u hanaqaado
Guubaabo iyo waa inay garab mudnaataaye
Waa gacal la’aan maalintay go’ay tiraahdaaye
Geesigu ma daalee hadi ganafka loo dhiibo
Guubaabo iyo waa inuu garab lahaadaye
Waa gacal la’aan maalintuu gabax yidhaahdaaye
Gobanimada waartiyo ninkii guul la kulansiiyo
Guubaabo iyo waa inay garab lahaataaye
Waa gacal la’aan maalintay gaasir noqotaaye
Gaajada inaad kaga baxdaa geela la arkaaye
Hayeeshee gun iyo waa iney garab lahaataaye
Waa gacal la’aan maalintay gabagabeeyaane