Lahjadaha Af-soomaaliga

Luuqadda Af-soomaaliga waa luuqad leh lahjado kala duwan oo qaarkood dhawaaqa ku kala duwan, sida ay luuqadda Af-soomaaligu lahjadeheedu u kala gaddisan yihiin, waxay ku xidhantahay deegaanada oo kala fog. Deegaan kasta oo soomaali leedahay, waxaa u gaar ah lahjad guud oo caan ah, oo lagu garto marka ay hadlaan dadka deegaankaas ka soo jeeda. isla deegaanka gaarka ah ayaa haddana sii yeelanaya lahjado yaryar oo aan sidaas caan u ahayn, oo ay iyagu isku sii kala gartaan. Tusaale ahaan; Soomaali-galbeed (Ogadenia), Soomaalida ka soo jeedda deegaankaas, waxay leeyihiin lahjado caan ah, oo ay soomaalida kale kaga soocan yihiin markay hadlayaan. Lahjada erayada deegaankaas u gaarka ah, waxaa ugu caansan: “Huunno, oo ah eray xidhiidh ah. Aagah! oo ah eray calaamatu yaab ah. Maa; oo ah eray diidmo ah IWM. Isla deegaankaas gudihiisa ayaa leh, lahjado kala duwan; tusaale, gobalka Wardheer, wuxuu leeyahay lahjad ka duwan tan gobalka Nogob. Gobalka Af-dheer wuxuu leeyahay lahjad ka duwan tan gobalka Sitti.

Dhanka dhawaqyada erayga

Gobalka Af-dheer:         Goballada Nogob iyo shabeelle:         Goballada Ciideed illaa galbeedka

Adeer…                       ee adeer…                                           Adeero…

Araab…                      Aabboy…                                              Aabbo…

Arroy…                       ee hooyo…                                           hooyo…

Arabti…                     ee abti…                                                 abtiyo…

Dhanka kala duwanaanshaha erayada ay dadku adeegsadaan ee goballada

Gobalka Af-dheer:         Goballada intooda kale

Aa                                  Ax

Dhaarti                          Ayaanti (cishadii)

Catan                            Halkan, meeshan, kobtan

Iska jir                           iska eeg

Aan…                             aynu..

Soo mooho…               Saw maaha…

Kala duwanaanshaha erayada ay goballadu isticmaalaan

Gobalka Af-dheer erayga “Lis” waxay u adeegsadaan xoolaha maaliddooda.

Goballo badan oo ay Faafan ka mid tahay, “Lis” waxay u yaqaanaan Caanaha dhayda ah.

Intaas ayaan tusaale u soo qaadanaynaa kala duwanaanshaha goballada la isku dhaho Soomaali-galbeed ama Ogadenia.

Goballada waan u sii kuurgali doonaa, waana soo bandhigaynaa dhawaqyada iyo lahjadahooda insha Allah