Gabayga yaw garnaqi doona

Cismaan Keenadiid Allaha u raxmee wuxuu ahaa caaqil iyo abwaan waayo-arag ah oo layaabay isbaddalka waayada in badanna wuxuu ka hadlay waxyaabaha runta ah, isaga oo ino tusaalayn jiray bal siday wax isku qabtaan iyo sida laga yeelayo waxyaabaha mar walba soo cusboonaanaya. Abwaanka waxaan ka soo qaadanay tuducyadan macnaha weyn bixinaya, gabaygiisii qiimaha badnaa ee hal-ku-dhiggiisu ahaa: “Yaw garnaqidoona!” Bal akhristayaal u fiirsada idinkana.

Muslimkii gumeysiga ku jirey garey xumaantiiye 

Guhaad iyo wuxuu wada qabaa geyrashiyo ciile 

Gidigiis islaamkii hadduu gees isugu leexday 

Iyo gaaladaynu ogayn yaw garnaqi doona?

Gardarriyo adduunkaan wax rogey garabkutaaglayne.

Suweyska gaarka lagu meershay waa reero gurigoode

Gubniyiyo col baa degey aan rabin inay ka guuraane

Godobta ingiriis iyo jamaal yaw garnaqi doona?

Culimmada gadaalkaan wax galay gararrab shaydaane

Geyigana dariiqooyin baa gooni ku ahaaye

Khaliifyadatan guutada watiyo calanka giirgiiran 

iyo gabanno soo baxay dhawaan yaw garnaqi doona?

Soomaali gobannimo waxaw geeyey leegada’e.

Gabbaad lagu hirtaa bay noqdeen amase gaashaane

Nimankaa guntadey oo xornimo goor walba u taagan

iyo kaan la garanayn macnaha yaw garnaqi doona?