Q-1aad taxanaha adeegto

Waxay ahayd goor barqo dheer ahoo dabayl aad u xoog badan ciid badanna qufaysaa, maadaama ayan magaaladu dhisnayn wadaciid iyo qashin tahay, firada, siigada, boorka iyo qashinka ay wadato, markii goob Maxkamad degmo ah dacwo ka aloosantay. Dacweddaas oo ka dhex oogneyd dad dhawr qaybood ah iyo gabar aan sidaa u da’weyneyn. xaamilo ah, si u itaal daran. dhiig yaraanta. caatada iyo baqdinta ka’muuqataana tilmaan la’yihiin.

Dacwadda dad kalaa maamulaya, dadkaas ood moodidba ama ahaaba dad iyada u hadlaya badidoodu, inkasta oo uu jiray garyeqaan guud iyo kaaliyayaashii kuwaasoo iyagu u dhex ahaa qolada dacwaddu ku socotee gabadha iyo kooxdeedu ku maran yihiin iyo iyaga.

Qolyaha dacwadda loo haystaa waa niman dhawr ahoo si u arag iyo dhar xun meel gaar ahna soo fadhiya, nin takhtar ah oo isagoo si walba u yaabban isna meel kaloo gaar ah soo fadhiya, iyo nin kaloo isna sidoo kale indhaha taagaya oo isna meel u gaar ah soo fadhiya. Saddex meelood oo kala gaar ah baa lagu kale hayaa. Mid mid la hadli kara may lahayn, inkasta oy jeclaan lahaayeen inay intaa isla hadlaan isla tashadaan, si ayan dambiga u wade tiimban.

Dhanka kale waxaa ka soo Jeeda dadweyne dhegeystayaal ah iyo garyaqaanka guudiyo kaaliyayaashiisa maahee, gabadha dacwadda leh iyo laba ninoo iyada u mudacaya. Mid waa abukaate midna waa gaashaanle labbisan.

Mar uun baa garyaqaankii ku dhawaaqay in Maxkamaddu furan tahay, “ha la aamuso, hadalka ha la daayo, maanta oy taarlikhdu tahay 24.4.82 waxaa si rasmi ah Maxkamaddan looga furay dacwadda loo haysto dadka kale ah Cabdi Cali Gacal, Takhtar Dacar Xasan Cawil iyo kooxda kale dhankaa ka soo jeedda ee magacyadoodu yihiin, Maxamuud, Meygaag, Dhunkaal, Yuusuf, Faarax iyo Abxado. Taasi waa dhanka dacwadda Ioo haysto. Dhanka kalee wax dacweynaya waa gabadha dhankaa ka soo jeeddee la yiraahdo Maryan Axmed waxaana Wakiil u ah una dacwa galaya Abukaate Xasan Maxamed Faarax waxaa kaloo kaalinaya Gaashaanle Cabdi Cartan.

Maxkamaddii waa furan tahay iyadoo aynu sugeyno waxay qolyaha wax soo dacweeyay goobta keenaan”.

Garyaqaanka guud maruu hadlayey qof kasta oo goobtaa hawshaa u yimid markuu magaciisa sheegayeyba wuxuu ku amray inuu isasara taago si dadweynuhu wajigiisa u arko.

Abukaatihii oo waraaqo dhawr ah gacanta ku haysta ayaa meel dhexoo loogu tala galay isa soo taagay oo yidhi. “Horta Maxkamadda iyo dadweynaha dhegeysiga iyo dacwadda u joogaba waa la salaaman yahay. Sida garyaqaanku u sheegay Maxkamaddii haddii la furay, waxaannu soo qaddimeynaa dacwaddayadii aan ku so oogney dadka sharcigu soo qabtay kaddib markii ay ku xad gudbeen. Waxaan ku bilaabaynaa, waa siday u kala sahlan yihiin, kuwa kooxda ah oo iyagu noo caddaatay inay qoftan miskiinta ah dili maageen iyagoo dhacaya waxay sidatay labo toorey bay sureen, si ay uga hartoo u siideyso waxay ku maageen iyagoo raba.

Marka garyaqaan, annagoo maraggii hayna nala arag horta arrintaa’.

“Keen maraggina,” garyaqaankii baa yidhi.

Waxaa soo boodey afartii askariyee qabtay tuugta, waxayna qireen wixii jiray. Waxaa kaloo iyana qirtay tuugtii dambigaa gashay. Ka hor intaan kuwii kale loo gudbin baa iyagii la xukumay.

Waxaa soo haray labadii kalee midba meesha fadhiyey, oo aad iyo aad u yaabban. Waxay yiraahdaan bay garan la’yihiin. Way cabbursan yihiin.

Kuwii la xukumay xabsigaaba loo taxaabay maadaama ay si sahlan u qirteen.

Intii baa biririf la qaatay. Cabbaar markii meelaha la taagtaagnaa baa mar dambe la isu soo noqday. Sidii oo kale ayaa dib meeshiisii waxaa isu soo taagay Abukaatihii oo awal wuu yare gaabinayeye hadda isagood mooddo inuu nimankan ilkaha iyo ciddiyaha ku cuni rabo yiri “Garyaqaan, Innagoo mar labaad bilaabayna maanta hawsheennii waxaa soo bandhigayna in labadan nin ee hadda dacwaddu ku jeeddo ay yihiin labo dambiile. Aad iyo aad bay u galabsadeen in lagu qaado dambigay galeen oo ah: Horta ugu horreyn ninka Cabdi la yiraahdee kufsaday iyadoo u shaqaysana rimiyey markuu kufsaday iyadu inan bay ahayd awoodna wuu u waayey uu ku naageysto taasoo uu inta middi la galay qalay qoftaa miskiinta ah.

“isla maalintaa ayuu cisbitaal geeyey si uu u daaweeyo. Wuxuu u geeyey ninkan takhtarka lagu sheegayee isna meesha soo fadhiya. Dabadeed markay arkeen siday qoftani u dilan tahay bay goosteen inay cisbatalka ka saaraan oy guriga ku daaweeyaan, ileen hadday cisbataalka u daayaan arrintu way soo shaacbaxaysaaye way is af garteen oo waxay wadaagsadeen dambigaa isaga ah.

Teeda kale, kaddib markii Cabdi arkay inay Xaamil tahay ee ay ceeb isaga ku tahay in la maqlo adeegtadiisii buu rimiyey buu iska eryey.

Gabadhii iyadoon cid aqoon ciirsina lahayn bay galabtii dambe magaalada isku soo qaadday ilaa tuugadaan hadda xirxirtay ay dilaan. Dhaawaceedii baa cisbital uu takhtarkii horey iyada u dulmay joogo la geeyey isna mar alla markii uu wax tuhmey, wuu baqay oo is yidhi malaha inay dhimataa roone faraha ka qaadoo waxba ha daaweyn.

“Run ahaantii way dhiman lahayd haddayan hesheen oday meeshaa ka shaqaynayey oo fahmay isku-ladka Takhtarka.

“Marka qoftani sidaa ayaa horta loo waxyeelleeyey. Anoo su’aala kale ii hareen, warbixintii waa iga intaa”.

“Wax markhaati ah ma haysaan?” Garyaqaankii baa yidhi “Waxaannu haynaa iyada iyo kaaliyihii badbaadiyey.” Abukaatihii baa yiri, gartay laakiin waxaan doonayaa inaan dambi baaris buuxda helo, maxaa yeelay, sida muuqata arrintani mid sahlan ma aha, iyaguna waa inay is daafacaan waxay qabanna la helaa, midda kale idinka idin garannaye maxaad gabadha isu tihiin? Aaway dadkeedii?

Arnintani waá in sal iyo baarba loo baaraa, la soo lafa guraa, gunteeda la soo taabtaa oo runteeda la helaa dabadeed siday tahay loogu tillaabsadaa”, garyaqaankii baa hadalkaa yiri.

“Waxba kama qabnoo, annagayba dan noo tahay tani waxaannu heli doonaa warar kaloo naga sii daahan maanta. Taadse nagu tiri, maxaad gabadha u tihiin, waxaan kaa leenahay, wax aan aadaminimo ahayn oon ka leenahay ma jirto, inay miskiin la dulmay tahay uun baan aragnay dabadeeda anagaa hawshaa isu diray”gaashaanlihii baa inta istaagay yiri.

“Waxaan filayaa in Maxkamaddii aan dib u dhignay ilaa la soo helayo warbixinno iyo dembi baaritaan kan ka tifaftiran si qofkii dambi leh loogu qaado dambigiisa isagoon isagana lagu xad gudbin”. Garyaqaankii intuu miiskii labo saddex jeer tumay buu istaagna u hinqaday hadalkaa ka sii tagay.

Maxkamaddii baa dib u dhacday ilaa waqti, su’aasha meesha tiilna waxay ahayd maxaa dhab ah, sideebaase wax u dheceen?

Sheekadii baa dib u bilaabatay si raadkeeda dhabta ah loo soo helo loogana baaraan dego ilaa dhammaadkeeda la tagayo.

***